Education for Justice                  FACT SHEET T-1   (Somali)                     for tax year 2008

 

 

 

LACAG CELINTA CANSHUURTA DADKA DAQLIGA HOOSEEYO

TAX REFUNDS FOR PEOPLE WITH LOW INCOMES

 

 

In aad ogaatid xuquuqda aad ku leedahay canshuurta waxay macnaheeda noqon kartaa lacag - marmarka qaarkoodna lacag badan - ee lagu kaalmeeyo qoyskaada.  Waxay la qiimo tahay waqtigaada in aad fiirisid.  Waxaad awoodi kartaa in laguu sameeyo canshuurtaada lacag la=aan.  Si aad u heshid kaalmo kuu dhaw, wac (651) 297-3724 ama Wicitaanka Hore ee Kaalmada (First Call for Help) oo laga helo 1-(800) 543-7709 ama 211, dhammaan gobolka.

 

Dadka shaqeeyo ee xoogsado inta ka sareyso lacagaha qaar waa in ay buuxiyaan canshuur celinta dakhliga federaaliga iyo gobolka.  Xataa haddii aad xoogsatid in ka yar lacagahaan, waad buuxin kartaa si aad u heshid lacag celin.  Canshuur celinta waa in la buuxiyo ugu dambeyn 15ta Abriil sannad kasta.  Waxaad buuxin doontaa canshuur celinta sannadkaan adigoo isticmaalaayo macluumaadka dakhliga sannadkii la soo dhaafay.  Haddaba 2009ta waxaad canshuur celinta u buuxin doonta 2008.  Haddii laguugu leeyahay lacag, waa in aad bixisid ganaaxa iyo kor saarka la socdo lacagaha aan la bixinin 15ta Abriil.

 

 

 

TIXGELINTA FEDERAALIGA (Federal Credits)

 

#                   TIXGELINTA CANSHUURTA LAGA DHIMO DADKA DANYARTA AH (EITC)

EITC waa tixgelin la socoto canshuurta ee la siiyo dadka shaqeeyo.  Tixgelinta ugu badan waa $4,824.  Waxaa qaadan karo doobka ama dadka guursaday.  Qasab ma aha in aad lahaatid carruur, laakin tixgelinta wey ka sii badan tahay haddii aad leedahay.  Waxaa jira sharciyo ku saabsan carruurta aad sheegan kartid.  Hoos fiiri.  Haddii aad iska indha tirtid sharciyada EITC, waxaa dhici karto in laguu diido EITC ilaa 10 sannadood.

 

Waa in aad ahaatid qof shaqeeyay muddada 2008.  Ma qaadan kartid EITC haddii aad lacag ka xoogsatay dibadda Mareykanka.  Lacagaha aad xoogsatay iyo Awadarta dakhliga la toosiyay ("adjusted gross income") ee ku yaalo foomkaada canshuurta waa in uu ka yaraado:

$                   $38,646 haddii aad leedahay 2 ama in ka badan carruur u qalanta        

                        (ama $41,646 haddii aad guursatay aadna xareyneysid canshuur wadajir)

$                   $33,995 haddii aad leedahay hal cunug u qalma

                        (ama $36,995 haddii aad guursatay aadna xareyneysid canshuur wadajir)

$                   $12,880 haddii aadan lahayn carruur u qalanta 

                        (ama $15,880 haddii aad guursatay aadna xareyneysid canshuur wadajir)

 

Ma Waafaqsanahay Sharciyada EITC?

·         waa in aad ahaatid wadani Mareykan ah ama ajnabi dagan dhammaan 2008.

·         waxaad adiga, xaaskaada, iyo carruur kasta ee aad sheegatid u baahan tahiin nambar soshal sekuuriti jira.

·         xaaladdaada canshuur-buuxinta ma ahaan karto xaas isqaba oo aan wada buuxsaneyn.

·         dakhligaada maalgelinta waa in uu ka yaraado $2,950.

·         ma sheegan kartid EITC haddii qof kale sheegto in aad adiga u tahay cunug u qalma.

 

Cunug Ma u Buuxin Karaa EITC?

EITC cunug waad u buuxin kartaa haddii:

·        aad cunugga dhashay ama aad korsatay, cunug aad awoowe u tahay, cunugga xaaskaada, walaalkaada, walaashaada, walaalka aad kala bahda tahiin ama walaasha aad kala bahda tahiin.  Waxaad kaloo sheegan kartaa cunugga mid ka mid ah qaraabadaan.  Waa in aad cunugga u xanaaneysay sida cunugaada.  Waxaad sheegan kartaa cunugga aad korsatay ee u qalma.

 

·        Cunugga waa in uu adiga kugula noolaado Mareykanka in ka badan nus 2008.

 

·        Cunugga waa in:

-      Da’diisa ka yaraato 19 sanno taariiqda marka ay tahay Diseembar 31, 2008,

-      uu ahaado arday waqti buuxo kana yaraado 24 sanno taariiqda marka ay tahay Diseembar 31, 2008, ama

-      uu si joogto ah iyo si idil u ahaado itaal-darane waqti kasta muddada 2008, da’da kuma jirto xisaabta.

 

Haddii cunugga yahay mid u qalma in ka badan hal canshuur bixiye, iyo ayan ku heshiin karin qofka sheegan doono cunugga, waalidka la noolaay cunugga inta ugu dheer sannadkaas waa loo tixgelinayaa.  Haddii cunugga la noolaay labada waalid waqti isla eg, waalidka xoogsaday dakhliga ugu badan waa in uu sheegto tixgelinta.

 

Haddii cunugga:

·        la noolaanin waalidka,

·        yahay mid u qalma in ka badan hal canshuur bixiye, iyo

·        iyaga ku heshiin karin qofka sheeganaayo cunugga,

markaas bixiyaha ugu dakhli sareeyo waa in uu sheegto tixgelinta.

 

Ya ah Cunugga la Korsado ee u Qalma?

Cunugga la korsado ee u qalmo waa cunug ay adiga kugu meeleeysay wakaaladda meeleynta loo fasaxay.  Iyada/isaga waa in uu kula noolaado in ka badan 6 bilood ee sannadka canshuurta iyo waafaqsan yahay sharciyada da’da.

 

Ma Sheegan Karaa EITC Haddii Aan Aniga Laheyn Cunug?

Haa, haddii aad adiga:

·                    u dhaxeysid 25 iyo 64 sannadood.

·                    ahayn ku-tiirsanaha qof kale.

·                    ahayn cunugga u qalma ee qof kale.

·                    ku nooleyd Mareykanka in ka badan nus 2007

 

Sidee Ayaan Aniga Ku Qaataa EITC?

$                   Buuxi canshuur celinta federaaliga ah (1040EZ, 1040, 1040A).

$                   Haddii aad leedahay cunug u qalma, buuxi 1040 ama 1040A IYO Jadwalka EIC.

 

 

IRSta Ayaa Adiga Kuu Xisaabin Doonto EITC.  Haddii aad u qalantid EITC, waxaad IRSta weydiisan kartaa in ay kuu xisaabaan lacagta.  Haddii aad leedahay cunug u qalma, waa in aad buuxisid nuska hore ee Jadwalka EIC.  Waxaad horay u qaadan kartaa qeyb ka tirsan EITC taasoo la socoto jeegaada mushaarka.  Fiiri warqadda xogta, Hormarinta EITC (Advance EITC).  

 

EITC Ma Saameyn Doontaa MFIP, SSI, Kooboonada Rashiinka ama Manaafacaadka Kale ee aan Leeyahay?

Bixinta EITC looma xisaabo dakhli ahaan xagga gargaarka dadweynaha.  EITC waxaa loo tixgelin karaa ilo dakhli xagga kooboonka rashiinka.  Guud ahaan, bixinta EITC looma xisaabo dakhli ahaan muddada bisha aad qaadaneysid jeega ama bisha xigta.  Labo bil kaddib, lacag celin kasta oo soo harta waxaa lagu xisaabaa hantidaada GUUD inta ay la eg tahay.  Haddii aad isticmaashid lacagta kuu soo noqoto, waxaa dhici karto in aad u baahatid in aad caddeysid in aad isticmaashay.  Haayso dhammaan resiidyadaada.

 

Xaqiijinta Hore ee EITC

Laga bilaabo 2004, waxaa dhici karto in aad buuxisid foomam si aad u muujisid in aad u qalantid EITC ka hor inta aadan buuxinin canshuur celintaada.  Haddii IRSta kuu soo dirto warqad sheegeyso in aad sidaan sameysid, la xariir Gargaarka Sharciga (Legal Aid).

 

 

#                    TIXGELINTA CANSHUURTA FEDERAALIGA EE CUNUGGA 

            (Federal Child Tax Credit)

Waxaad cunug kasta ee da’diisa ka yartahay 17 sanno oo aad sheegatid in uu ku yahay ku-tiirsane u heli karta tixgelinta canshuurta ilaa $1000.  Buuxi warqadda Tixgelinta Canshuurta

Cunugga ee ku taalo buugga tilmaanta.  Waxaad tixgelintaan u isticmaali kartaa ITIN halka aad ka isticmaali lahayd nambarka Soshal Sekuuritiga.  Waxaad sheegan kartaa tixgelintaan iyo EITCda.

 

 

#                  TIXGELINTA FEDERAALIGA XANAANADA CUNUGGA IYO KU-TIIRSANAHA

(Federal Child and Dependent Care Credit)

Haddii aad qabtid kharashyada xanaanada ilmaha oo la xariiro shaqadda ama shaqo raadinta, waxaad heli kartaa tixgelinta canshuurta.  Waxaad isticmaali kartaa kharashyada aad adiga ku bixisay cunug ku-tiirsane ah ee da’diisa ka yartahay 13 sanno ama ku-tiirsane itaal daran oo da’ kasta leh.  Si aad u heshid tixgelintaan, waa in aad haysatid nambarka aqoonsiga canshuur bixiyaha (taxpayer ID number) ee qofka ama barnaamijka bixinaayo xanaanada.  Buuxi foomka 2441.

 

 

#                   TIXGELINTA FEDERAALIGA EE TACLIINTA 

            (Federal Education Credits)

Haddii aad kharashka wax barashada iyo ujrada jaamacadda ama kulleyadda u bixisay naftaada, xaaskaada, ama ku-tiirsane, waxaad heli kartaa ilaa $2,200 oo tixgelinta tacliinta ah.  Buuxi foomka 8863.

 

 

LACAG CELINTA IYO TIXGELINADA MINNESOTA

(Minnesota Credits and Refunds)

 

#                   TIXGELINTA QOYSKA SHAQEEYO EE MINNESOTA

            (Minnesota Working Family Credit)

Haddii aad waafaqsan tahay sharciyada EITC iyo dakhligaadana aad ka xoogsatay Minnesota, waxaad heli kartaa Tixgelinta Qoyska Shaqeeyo ee Minnesota.  Tixgelinta ugu badan waa $1,686.  Si aad u sheegatid tixgelintaan, buuxi foomamkaaada canshuurta federaaliga iyo foomamka M-1 Minnesota (foomka caadiga) iyo Jadwalka M-1WFC.

 

 

#                  TIXGELINTA XANAANADA CUNUGGA IYO KU-TIIRSANAHA EE MINNESOTA

(Minnesota Child and Dependent Care Credit)

Waxaad heli kartaa tixgelinta canshuurta gobolka ee la xariiro kharashka xanaanada ku baxo ku-tiirsanaha aad shaqeeysay ama raadsaneysay shaqo.  Ku-tiirsanaha wuxuu ahaan karaa cunug da’diisa ka yartahay 13 sanno ama ku-tiirsane itaal daran oo da’ kasta leh.  Si aad u heshid tixgelintaan, buuxi foomka M-1CD.

 

 

#                    TIXGELINTA TACLIINTA EE MINNESOTA IYO LACAGTA LA ISKA DHIMO INTA AAN CANSHUURTA LA XISAABIN  (Minnesota Education Credit and Subtraction)

Waxaad heli kartaa tixgelinta ama dhimista canshuurta gobolka ee la xariirta kharashyada wax barashada carruurtaada ama waxyaabaha la xariiro.  Kuwaan waxay la xariiraan carruurta ku jirto xanaanada ilaa dugsiga sare.  Tixgelinta ugu badan waa $1,000 cunuggii. Waxaad isticmaali kartaa kharashyada sida: barayaasha, buuggaagta aqoonta iyo waxyaabaha barashada, ujrada lagu bixiyo gaadiidka, daruusta muusiikada, barnaamijyada ka dambeeyo dugsiyada, iyo xerooyinka kuleylaha wax lagu barto.  Waxaad kaloo isticmaali kartaa kharashyada alaabta kombuyuterka ama cajaladaha tacliinta (ilaa xadka $200).  Kharashka barashada dugsiyada gaarka ah waa dhimis oo keliya.  Si aad u heshid tixgelinta, buuxi foomka M-1ED.  Si aad u isticmaashid dhimista, ka shaqeey warqadda xisaabta ee ku taalo dusha foomka M-1.

 

 

#                  CANSHUURTA HANTIDA MINNESOTA AMA LACAG CELINTA KIREYSTAHA

(Minnesota Property Tax or Renter’s Refund)

Lacag celintaan waxay ku saleysan tahay dakhligaada iyo xisaabta canshuurta hantida aad siisid adigoo ah hantiilaha guriga ama kireystaha.  Kireystayaasha waxay kireyaha ka helaan Shahaadada Ijaarka la Bixiyay [Certificate of Rent Paid (CRP)].  Haddii agaasimaha hantida ku siin waayo mid, fiiri warqaddena xogta Lacag U Celinta Kirestaha (Renter's Refund).  Lacagaha loo soo celiyo hantiilaha guriga waxay ku saleysan yahiin bayaanka canshuurta hantida sannadka xigga.  Guriga ama abaartamentada waa in ay ahaato meesha ugu muhimsan ee aad ku hooyatid ama kuu ah deegaan.  Si aad u heshid lacag celintaan, buuxi foomka M-1PR.  Foomkaan waa in la buuxiyo ugu dambeyn Agoosto 15.  Waxaad sheegan kartaa lacag celintaan ilaa muddo hal sanno.

 

HADDII AADAN BUUXININ, HADDA BUUXI!

 

EITC iyo tixgelinada kale ee canshuurta dakhliga waxaa la sheegan karaa ilaa muddo 3 sanno.  Haddii aadan buuxinin canshuur celinta qaar ka mid ah ama dhammaan 3dii sanno ugu dambeysay, hadda ayaad buuxin kartaa iyo aad sheegan kartaa EITC iyo tixgelinada kale. Foomamka iyo lacagaha tixgelinta wey isbadalaan sannad kasta.  Hubso in aad isticmaashid foomka loogu talagalay sannadka aad buuxineysid!  Haddii aad buuxisay celintaada, laakin aadan sheeganin tixgelinta aad hadda u maleyneysid in aad isticmaali kartay, waad buuxin kartaa foomka badalka 1040X (federaaliga) ama M-1X (Minnesota) 3dii sanno ee ugu dambeysay.

 

Haddii aad waafaqday dhammaan sharciyada lagu helo EITC sannadahii la soo dhaafay, marka laga reebo in aadan adiga lahayn nambarka soshal sekuuriti, laakin aad hadda leedahay, waxaad isticmaali kartaa nambarkaada soshal sekuuritiga cusub si aad uu buuxisid canshuur celintaada iyo sheegatid EITC 3dii sanno ee ugu dambeysay.

 

Su’aalaha canshuurta federaaliga, wac (800) TAX 1040.

Su’aalaha canshuurta Minnesota, wac (651) 296-3781.

 

Dadka itaalka daran ama dakhliga hooseeyo, iyo wadaniyiinta waayeelka ah waxay heli karaan in foomamkooda canshuurta loogu sameeyo lacag la’aan.  Si aad u heshid kaalmo kuu dhaw, wac (651) 297-3724 ama Wadada Wadajirka (United Way) oo laga helo 1-800-543-7709 ama 211.

 

 

 

 

 

 

Warqaddaan xogta waxaa lagu dabaqaa sannadka canshuurta 2008 oo keliya.

Canshuur celinta dakhliga waa in la buuxiyo ugu dambeyn Abriil 15, 2009.

 

Minneapolis Legal Aid – CLE

MN Legal Services Coalition

2324 University Avenue, Suite 101B

St. Paul, MN  55114

Ha isticmaalin warqadaan xogta haddii ay ka weyn tahay hal sanno.

Noo soo qor marka aad dooneysid waraaqaha casriyeysan, liiska warqadda xogta, ama qaababka kale.  Waraaqaha Xogta ma u aha jawaab dhameystiran arrimaha sharcigai.  U tak qareen si aad u heshid la-talin