Education for Justice                  FACT SHEET I-3   (Somali)                                  Fall 2009

XAQA AAD U LEEDAHAY TURJUBAAN

YOUR RIGHT TO AN INTERPRETER

 

 

GOORMAAN XAQ U LEEYAHAY TURJUBAAN?

Waxaad xaq u leedahay turjubaan haddii aad tahay mid u baahan si aad u fahamto waxa socdo.  Wakaaladaha qaata miizaaniyadaha federaaliga ama gobolka waa in ay turjubaan lacag la’aan ah siiyaan dadka kartidooda af Ingriisiga ay kooban tahay.  Waxaa ka mid ah xafiisyada dawladda iyo dugsiyada, maxkamadaha, isbitaalada, waaxyada booliiska iyo dab damiska, iyo wakaaladaha samafalka.

 

 

MAXAAN SAMEEYAA SI AAN U HELO TURJUBAAN?

·                     Mid weydiiso. Waxaad oran kartaa:  “I need a Somali interpreter.” (“Waxaan u baahanahay turjubaan Soomaali ah.”) 

·                     Haddii wakaaladda diido, u sheeg in sharciga uu qoraayo in ay qasab ku tahay in ay bixiyaan turjubaan. Waxaad tusisaa qoraalka afka Ingriisiga ah ee ku yaal warqaddaan oo loo yaqaan Warqadda Xaqiiqada.

 

 

INTEE AYAAN SUGAA TURJUBAAN?

Helidda turjubaan ma aha in ay qaadato muddo sii dheer oo keenta in aad waxtar ku weysid ama aad gaftid balan. La soco inta ay qaadato helidda turjubaanka.

 

 

YAA BIXINAAYO QARASHKA TURJUBAANKA?

Wakaaladda aad ka raadsanaysid kaalmada ayaa bixineyso qarashka turjubaanka.

 

 

MAXAA DHACAYA HADDII WAKAALADDA II SHEEGTO IN AAN KEENSADO TURJUBAANKEEYGA?

Waa sharci darro in wakaaladda ku weydiiso adiga in aad keensato turjubaan.

·                     Weydiiso turjubaan. Haddii mid aan lagu siinin, si qoraal ah u gudbi ashtako. Koobina reebo.

·                     Waad keensan kartaa turjubaankaada haddii aad rabtid.  Hase ahaatee, wakaaladda waxay dooran kartaa iney isticmaasho turjubaankeeda.

·                     Carruurta / inta-yaryar waa in aan loo isticmaalin turjubaan ahaan.

 

 

MAXAAN SAMEEYAA HADDII AANAN FAHMI KARIN TURJUBAANKA?

Waxaad xaq u leedahay turjubaan aad fahmi kartid.

·                     Haddii aadan fahmi karin turjubaanka, weydii turjubaanka in uu macneeyo ama ku celiyo waxa la sheegay. Ha ka cabsanin in aad weydiiso su’aalo.

·                     Haddii aadan fahmi karin, u sheeg wakaaladda.

MAXUU YAHAY DOORKA TURJUBAANKA?

Doorka turjubaanka waa in uu afkaaga kuugu sheego waxa la sheegaayo.  Turjubaanka ma aha u-doode.  Ayaga kaama ay caawinayaan xalinta dhibaatada, waxey kaa caawinayaan oo keliya in uu isfaham dhaco.Turjubaanka waa in uu ahaado dhexdhexaad iyo caadil.  Turjubaanka waa in uu wararkaada u keeydiyo si gaar ah.

 

 

MAXAAN SAMEEYAA HADDII TURJUBAANKEEYGA UUSAN DOORK(IISA/EEDA) KA SOO BIXIN?

Qoraal ashtako ah u soo gudbi wakaaladda.  Haddii aad u baahan tahay kaalmo, wac xafiiska Gargaarka Sharciga (Legal Aid).

 

 

WAXA KU SAABSAN QORAALADA LA TURJUMAY?

Wakaaladda waa in ay lacag la’aan ku turjumtaa dokumeentiyada muhimka muddo macquul ah. Kuwaa waxaa ka mid ah digniinada, arjiyada, iyo maaddooyinka qoran ee muhimka ah.

 

 

MAXAY TAHAY SABABTA AAN XAQ UGU YEESHAY TURJUBAAN?

Takooridda afka waa takoorid asal qarannimo. Waa takoorid ku saleysan waddanka aad ka timid. 

·                     Xaqa loo leeyahay turjubaan waa XAQ SHACAB.

·                     Haddii wakaalad ay maalgelisay dawladda federaalka ayan bixinin turjuban, tan waxay noqon kartaa takoorid asal qarannimo oo hoos timaada sharciga Qeybta VI ee Sharciga Xuquuqda Shacabka ee 1964 (loo yaqaan Title VI of the Civil Rights Act of 1964).

·                     Wakaaladaha Minnesota waa in ay bixiyaan turjubaan marka la raaco Sharciga Xuquuqda Aadanaha ee MN (loo yaqaan MN Human Rights Act).

 

 

MAXAAN SAMEEYAA HADDII TURJUBAAN AAN LA KEENIN AMA HADDII WAKAALADDA II SHEEGTO IN AAN KEENSADO TURJUBAANKEEYGA?

·                     Soo qaado magaca iyo kaarka ganacsiga ee qofka / wakaaladda ka horjoogsatay xuquuqdaada. 

·                     La hadal maamulaha.

·                     Qor warqad ashtaka ah una dir:

·                     maareeyaha wakaaladda ama unugga xuquuqda shacabka (loo yaqaan civil rights unit);

·                     Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota (loo yaqaan Minnesota Department of Human Rights);

·                     Wakaaladda federaaliga ah ee maal geliso wakaaladda ama Waaxda Maxkammadda ee Mareykanka (loo yaqaan US Department of Justice).

·                     Warqad u qor Duqa Magaalada, Guddoomiyaha Gobolka, Mudanayaashaada Kongreeska, ama wakiiladaada deegaanka ama Gobolka.

·                     Qoro waqtiga iyo qofka aad la hadashay. Meel ku keydso koobiyada iyo warqadaha.

 

Degmada Hennepin, wac Gargaarka Sharciga Bulshada ee Minneapolis

(loo yaqaan Legal Aid Society of Minneapolis):      (612) 334-5970

 

Minneapolis Legal Aid – CLE

MN Legal Services Coalition

2324 University Avenue, Suite 101B

St. Paul, MN  55114

Ha isticmaalin warqadaan xogta haddii ay ka weyn tahay hal sanno.

Noo soo qor marka aad dooneysid waraaqaha casriyeysan, liiska warqadda xogta, ama qaababka kale.  Waraaqaha Xogta ma u aha jawaab dhameystiran arrimaha sharcigai.  U tak qareen si aad u heshid la-talin