Education for Justice                 FACT SHEET T-6 (Somali)                       for tax year 2008

 

 

CANSHUUR-CELISKA CUNUG MA

KU BUUXSAN KARAA?

CAN I CLAIM A CHILD ON MY TAX RETURN?

 

Canshuur-celiska inaad cunug ku buuxsato waxay hoos u dhigeysaa canshuurta lagaa rabo, waxaa kale oo kuu badanaya lacagta laguu soo celinayo. Waxaad ku buuxsan kartaa “cunug laguu oggol yahay” ama “qaraabo laguu oggol yahay” adigoo caddeynaya inay dhaqaale ahaan kugu tiirsan yihiin. Sidoo kale, “cunugga laguu oggol yahay” waxaad ku buuxsan kartaa Canshuurta Laga Dhimo Dadka Danyarta ah ee loo yaqaan EITC (Earned Income Tax Credit). Waxaa jira 3 hab oo canshuurta kaa caawin kara marka aad cunug ku buuxsato.

 

·                    Cunugga dhaqaale ahaan kugu tiirsan dhanka canshuurta waxaad ku heleysaa “in wax lagaa dhimo.” Wax dhimistaasi waa mid laga goynayo dakhligaaga inta aan canshuurta la xisaabin. Haddaba haddii uu dakhligaagu yar yahay macnaheedu waa in canshuurta lagaa qaadayo ay yaraaneyso. 

 

·                    Waxaa dhici karta inaad arrintaas awgeed ka mid noqoto nidaam kale oo canshuur-xarayn ah si aad canshuur yar u bixiso. 

 

·                    Waxaad heli kartaa lacagta canshuurta ah ee laga dhimo dadka xaasaska ah ee carruurta korsada (“child tax credit”); sidoo kale, haddii aad xaq u yeelato waxaad heli kartaa EITC.

 

Waxaa jira sharciyo la tixgeliyo kolka uu qof rabo inuu canshuurtiisa cunug ku buuxsado. Sharciyadaas waa in la raacaa. Qofkii aan sharciyadaas raacin wuxuu waayi karaa xuquuqda uu mustaqbal ahaan u leeyahay EITC, ama waxaa dhici karta in lagu khasbo inuu lacagtaas u soo celiyo dowladda dhexe ama Hay’adda Canshuurta (IRS), ama qofkaasi wuxuu bixinayaa canshuur badan iyo ganaaxyo kale. Arrimahaas qaar ka mid ah waa kuwa aan la fahmi karin. Haddii aad tahay qof dakhligiisu yar yahay ama danyar ah, qof da’ ama hawlgab ah, ama qof curyaannimo in ah qaba, intaaba waxaad ku heli kartaa caawimaad bilaash ah. Si aad caawimaad uga hesho degaanka aad ku nooshahay wac taleefanka 651-297-3724, ama wac 211, taleefanka dowladda dhexe ee laga codsado warbixinta aad rabto (211, First Call for Help).

 

CANSHUUR-CELISKA QOFKEE AYAA LAGU BUUXSAN KARAA

Waxaa jira “cunug laguu oggol yahay” iyo “qaraabo laguu oggol yahay.”

 

Cunugga Laguu Oggol Yahay

Ÿ         Cunuggu waa inuu ahaadaa cunug uu dhalay qofka canshuurta bixiya, cunug uu dhalay qof ay isu dhaxeen ama is qabaan, cunug uu si ku meel gaar ah u koriyo oo xuquuq waalidnimo ku leh, cunug ay walaalo yihiin, cunug uu dhalay adeer hooyo qaba ama ay dhashay aayo uu aabbe qabo, ama waa inuu yahay cunug ka soo jeeda qaraabada aan soo sheegnay.  Arrintaas waxaa soo galaya cunug qofka canshuurta bixiya loogu keenay si uu u korsado—xitaa inta aan inuu korsado loo sharciyeyn.  Cunugga si ku meel gaar ah loo korinayo waa cunugga qofka canshuurta bixiya ay u keento hay’ad la aqoonsan yahay oo carruurta meeleysa ama maxkamad.

 

·        Cunuggu waa inuu dalkan Mareykanka qofka canshuurta bixiya kula nool yahay in ka badan 6 bilood sannadkiiba.  Haddii uu cunuggu si ku meel gaar ah meel kale u aado sida iskool, fasax dalxiis ah, caafimaad meel kale loo aado, shaqada qaranka ama tababarka milatariga, ama haddii lagu xiro jeelka carruurta, intaasiba waxaa loo xisaabinayaa inuu cunuggu guriga ku noolaa.  Waxaa jira arrimo laga dhaafo waalidiinta is fura ama kuwa caro ku kala maqan.

 

·        Cunugga canshuurta lagu buuxsanayo waa inuu ahaadaa da’ la oggol yahay si warbixintiisa loogu buuxiyo meelaha kala duwan ee waraaqaha canshuurta.

-        Lacagta Lagu Soo Celinayo Daryeelka Carruurta Dhaqaale Ahaan Waalidka ku Tiirsan – cunugga inta la daryeelayey waa inay da’diisu ka yar tahay 13 ama da’ kasta oo uu yahay waa inuu ahaadaa curyaan iin leh oo aan naftiisa waxba u qaban karin.

 

-        Lacagta Canshuurta ah ee Laga Dhimo Dadka Xaasaska ah ee Carruurta Korsada – cunuggu waa inay da’diisu 17 ka yar tahay taariikhda marka ay tahay Diseembar 31, 2008.

 

-        Lacagta La Isugu Dhaafo Dadka Dhaqaale Ahaan Kugu Tiirsan, Habka uu canshuurta u buuxinayo Qofka Guriga u soo Shaqeeya, iyo Canshuurta Laga Dhimo Dadka Danyarta ah (EITC) – waa inay da’da cunuggu ka yar tahay 19 ama waa inuu ahaadaa arday si buuxda ugu jira waxbarasho, isla markaa waa inay da’diisu ka yar tahay 24 taariikhdu marka ay tahay Diseembar 31, 2008, ama da’ kasta ayuu cunuggu ahaan karaa haddii uu yahay gebi ahaanba curyaan iin leh.

 

·        Cunuggu waa inuusan isagu sannadkaas shaqeysan wax ka badan qarashka ku baxaya barkiis.  Lacagta Caymiska ah ee Dowladda ka Timaadda ee la Qaato Kolka la Hawlgabo (Social Security benefits) ee loogu talaggalay carruurta ay waalidkood dhinteen ama carruurta ay waalidkood curyaan yihiin, waxay ka mid tahay dakhliga cunugga.  In masruuf la bixiyo iyo habka taageeriddu ma khuseeyaan kolka la go’aaminayo in uu qof canshuur bixiya koriyo cunug loogu oggol yahay EITC.

 

Haddii waalid hal ka badan loo oggol yahay inay cunug canshuurta ku buuxsadaan, oo ay wallidkaasu isku khilaafaan kii cunugga canshuurta ku buuxsan lahaa, kolkaas waxaa cunugga ku buuxsan kara waalidiintaas kii uu cunuggu inta badan la noolaa sannadka gudihiisa.  Haddii uu cunuggu la noolaa labada waalid muddo is le’eg, waalidiintaas labadooda midkii dakhli badan ayaa cunugga canshuurta ku buuxsan kara.  

 

  1. Haddii cunugga uusan waalidba la noolayn,
  2. haddii cunuggu uu yahay mid waalid hal ka badan loo oggol yahay, iyo
  3. haddii cunuggu ay waalidiin badan isku khilaafaan kii canshuurta ku buuxsan lahaa,

kolkaas waalidiintaas koodii dakhli badan ayaa cunugga canshuurta ku buuxsan kara.

 

Qaraabada Laguu Oggol Yahay

Qofka qaraabada ah ee laguu oggol yahay:

·                    waa inuu ahaadaa Muwaaddin Mareykan ah ama waa inuu ahaadaa qof horay ugu noolaa dalka Mareykanka, Kanada ama Meksiko,

·                    waa inuu ahaadaa qof gurigaaga ku nool sannadka oo dhan, ama qof qoyskaaga ah oo kula nool ama aan kula noolayn, sida:

-     cunug aad dhashay, cunug aad awoowe ama ayeeyo u tahay, cunug ay dhaleen carruur aad awoowe ama ayeeyo u tahay ama cunug aad abkoow ama abooto u tahay, cunug uu qof aad is qabtaan horay u soo dhalay,

-     walaalkaa, walaashaa, walaal kale oo gabar ama wiil ah oo aad ku walaalowdeen ka dib kolkay waalidkiin isu dhaxeen ama is guursadeen,

-     waalidkaa, qof kale oo waalid kuugu noqday inay aabbahaa ama hooyada isu dhaxeen ama is qabaan,

-     eeddadaa ama habaryartaa, ama adeerkaa ama abtigaa, carruur ay walaashaa dhashay ama carruur uu walaalkaa dhalay,

-     soddoggaa, soddohdaa, wiil soddog kuu ah, gabar soddoh kuu ah,

-     seeddigaa, ama dumaashidaa.

 

Cunug ama qof kale dhaqaale ahaan kuguma tiirsanaan karo:

·                    Haddii uu xaas yahay oo uu canshuurta xaas wadajira ahaan u buuxiyo.

·                    Haddii uu shaqeysto in ka badan $3,500 sannadkii 2008.  Laakiin, haddii uu qofkaasi yahay cunug aad dhashay oo ay da’diisu ka yar tahay 19 ama arday ay da’diisu ka yar tahay 24, cunuggaasi weli dhaqaale ahaan adiga ayuu kugu tiirsan yahay oo weliba wuxuu shaqeysan karaa in ka badan $3,500.

 

Sharciyada kor ku xusan waxay khuseeyaan canshuurta federaalka ama dowladda dhexe.  Minnesota sharciyo caynkaas ah ayey u isticmaashaa dakhliga gobolka iyo canshuurta hantida guryaha la saaro. Weydii qofka waraaqaha canshuurta kuu xareynaya.

 

 

MA HELI KARAA EITC?

EITC waa Canshuurta Laga Dhimo Dadka Danyarta ah.  Canshuurtaasi waa lacag gaareysa ugu badnaan $4,824.  Qofka xaaska ah iyo qof aan xaas ahayn labaduba waa ay heli karaan. Uma baahnid inaad carruur leedahay, laakiin kolka aad carruur leedahay ayaad EITC badan heleysaa.  Waxaa jirta in la tixgeliyo carruurta laguu oggolaan karo.  Sharciyadaas waa kuwa hoos ku qoran.  Haddii aad sharciyadaas jabiso waxaa laguu diidi karaa EITC ilaa iyo muddo ku siman 10 sano.

 

Waa inaad shaqeysay sannadkii 2008-ta.  EITC ma heli kartid haddii aad lacag ka soo shaqeysatay waddanka Mareykanka dibaddiisa.  Waraaqahaaga canshuurta kolka la eego lacagta aad shaqeysatay iyo “lacagtaada oo dhan inta aan canshuurta laga goyn,” waa inay ka yaraadaan:

·              $38,646 haddii aad haysato 2 carruur ah iyo wax ka badan oo laguu oggol yahay

(ama $41,646 haddii aad tihiin xaas canshuur-celiskooda si wadajir ah u buuxinaya)

·              $33,995 haddii aad haysato hal cunug oo laguu oggol yahay

(ama $36,995 haddii aad tihiin xaas canshuur-celiskooda si wadajir ah u buuxinaya)

·              $12,880 haddii aad haysato carruur laguu oggol yahay

(ama $15,880 haddii aad tihiin xaas canshuur-celiskooda si wadajir ah u buuxinaya)

 

 

SIDEE BAAN SHARCI AHAAN KU HELI KARAA EITC?

·                    Waa inaad tahay muwaaddin Mareykan ah ama ajinnabi sharci leh sannadka 2008ta oo dhan.

·                    Qofka aad is qabtaan iyo carruurta aad ku buuxsaneyso, dhammaantiinba waxaad u baahan tihiin inaad leedihiin 9-ka lambar ee ay dowladdu bixiso ama Social Security lambar.

·                    Kolka aad waraaqaha buxineyso ma noqon kartid “qof xaas ah oo ay qofkii ay is qabeen caro ku kala maqan yihiin.”

·                    Macaashka maalgalinta kaaga soo baxa waa inuu ka yaraadaa $2,950.

·                    Ma buuxsan kartid EITC haddii uu qof kale adiga kugu buuxsanayo inaad u tahay “cunug loo oggol yahay.”

 

 

CUNUG MA U BUUXIN KARAA EITC?

Haa, haddii uu cunuggaasi yahay “cunug la oggol yahay,” waxaad ugu buuxin kartaa bogga ugu horreeya ee warbixinta kooban.  “Qaraabo la oggol yahay” looma buuxin karo EITC. 

 

 

WAA MAXAY WAXA LA ISKA DAYN KARO?

Waxa la iska deynayo (sida waxa lagaa dhimayo) waxay yareyneysaa dakhliga lagaa canshuurayo.  Sannadka 2008-ta dadka canshuurta bixiya waxay helayaan $3,500 oo loo deynayo (haddii ay si wadajir ahaan ah canshuurta u xareystaan), iyo $3,500 oo loogu deynayo cunug kasta oo loo oggol yahay ama qaraabada loo oggol yahay ee ay ku xareystaan.

 

 

MIYEY JIRAAN LACAGO KALE OO AAD HELI KARTO?

Waxaad heli kartaa:

  • Lacagta Canshuurta ah ee Laga Dhimo Dadka Xaasaska ah ee Carruurta Korsada
  • Lacagta Daryeelka ah ee la Isugu soo Cesho Carruurta Dhaqaale ahaan Kugu Tiirsan (Child and Dependent Care Credit)
  • Canshuurta Laga Dhimo Qoysaska Danyarta ah ee Shaqeeya (Working Family Tax Credit)
  • Lacagta la Isugu soo Cesho Waxbarashada ilaa Dugsiga Sare (K-12)

Waxyaabahaas oo dhan weydii qofka waraaqaha canshuurta kuu xareynaya.

 

 

 

Warbixintan waxay khuseysaa oo keliya canshuurta sannadka 2008-ta.

Canshuur-celiska dakhliga waa in la xareeyaa ugu dambeyn 15-ka Abriil 2009.

 

 

 

 

Minneapolis Legal Aid – CLE

MN Legal Services Coalition

2324 University Avenue W.Suite 101B

St. Paul, MN 55114

Ha isticmaalin warbixintan haddii ay ka soo wareegato in ka badan hal sano.

Warqad noo dir oo na soo weydiiso wixii cusub, liiska warbixinta, ama waxyaabaha kale ee macluumaadkan u qalmi kara. Warbixintan ma aha jawaabo lagaa siinayo dhibaatooyinka aad xagga sharciga kala kulmeyso. Qareen ama abukaate ayaad talo u raadsan kartaa.