Education for Justice                  FACT SHEET T-2   (Somali)                                 2009

 

 

HORMARINTA EITC (TIXGELINTA CANSHUUR CELINTA LA XOOGSADAY)

ADVANCE EITC (EARNED INCOME TAX CREDIT)

 

Sannadka 2009 waxaad jeegaada mushaarka la qaadan kartaa EITCda aad leedahay  (Tixgelinta Canshuurta Dakhliga la Xoogsaday) ilaa $1825.  Qasab ma aha in aad sugtid ilaa aad ka buuxisid canshuurtaada.

 

Horay Ayaad U Heli Kartaa EITC Haddii:

$                   Aad adiga leedahay ugu yaraan hal cunug oo u qalma,

$                   Aadan adiga filaneynin in aad canshuurtaada u buuxisid sida qof guursaday laakin u buuxsanaayo keligiis ama keligeed.

$                   Haddii aad sannadka 2008 u maleyneyso inuu dakhliga aad shaqeysay ka yar yahay $35,463 (ama $38,583 haddii aad si wadajir ahaan canshuurta ku xareyso).

$                   Daqligaada kaa soo galo maalgelinta in uu ka yaraan doono $3,100.

$                   Aad adiga ahayn cunugga u qalmo ama ku tiirsanaha qof kale.

$                   Aad adiga waafaqdid sharciyada EITC, iyo

$                   Loo shaqeeyahaada ka gooyo soshal sekuuriti iyo canshuurta daqliga jeega mushaarkaada.

 

Si Aad U Qaadatid Hormarinta Lacagaha EITC:

1.                  Buuxi foomka W-5.  Waxaad foomka ka heli kartaa loo shaqeeyahaada ama IRS.  IRS ka wac 1-(800) 829-3676, ama ka soo qaado boggooda internetka www.irs.gov <http://www.irs.gov>.

2.                  Sii foomka la dhameystiray loo-shaqeeyahaada.

3.                  Waxaa jeegagaada mushaarka ku kordhi doono xisaabta lacagta hormariska ee aad u qalantid.

 

Haddii aad EITC ku qaadatid jeegagaada mushaarka, waa in aad faylka gelisid Foomka Federaaliga 1040A ama 1040 ee canshuur celinta sannadkaas.  Haddii aad qaadatay EITC ka badan inta aad lahaan lahayd, waa in aad dib u bixisaa lacagaha dheeraadka kugu ah.  Haddii aad qaadatay in ka yar inta aad lahaan lahayd, waxaad qaadan doontaa EITC dheeraad ah marka aad buuxineysid canshuurtaada.

 

Haddii xaaladahaada isbadalaan, buuxi W-5 cusub mar kasta inta lagu jiro sannadka canshuurta.

 

Qaadashada lacagaha hormarinta ma kordhineyso ama ma yareyneyso wadarta EITCda aad leedahay.

 

Foomka W-5 wuxuu dhammaadaa Diseembar 31da sannad kasta.  Waa in aad buuxisid foomka W-5 cusub ka buuxisid loo-shaqeeyahaada sannad kasta iyo inaad u hoggaansantid sharciyada sannad kasta.

 

TAXADIR:   Adiga waa in aad soo sheegtid isbadalada!!!  Haddii daqligaada ama xaaladda qoyskaada isbadalaan, waxaa dhici karto in aadan kaddib u qalmin EITC.  Waxaa dhici karto in aad wax kasta dib u bixisid.

 

Ma Sheegan Karaa Cunug Aan Ku Qaato EITC?

Waad sheegan kartaa haddii aad raacdid sharciyadaan:

$             Waxaa la sheegan karaa cunugga aad dhashay ama korsatay, cunugga aad awoowaha u tahay, cunugga aad adeerka u tahay, walaalkaada, walaashaada, walaalka aad halka waalid wadaagtaan, walaasha aad halka waalid wadaagtaan. Waxaad kaloo sheegan kartaa cunugga qaraabadaan haddii aad cunugga u xanaaneysay sida cunuggaada.  Waxaad sheegan kartaa cunugga la korsaday ee u qalmo.

$             Cunugga waa in uu adiga kugula noolaado Mareykanka in ka badan nus ka nus 2009.

$             Cunugga waa in uu:

<              ka yaraado 19 sanno marka la gaaro Diseembar 31, 2009,

<              ahaado arday waqti buuxo kana yaraado 24 sanno marka la gaaro Diseembar 31, 2009, ama

<              si idil iyo si joogto ah u ahaado itaal-darane waqti ka mid ah 2009, da=da farqi ma sameeyneyso.

Hal canshuur bixiye oo keliya ayaa sheegan karo cunugga si loo qaato EITC.

 

Haddii cunugga u qalmo in ay sheegtaan in ka badan hal bixiye canshuur, iyo iyagana ku heshiin karin qofka sheegan doono cunugga, waalidka la nool cunugga sannadkaas intiisa badan waa in uu sheegto tixgelinta.  Haddii cunugga la nool yahay labada waalid waqti isla eg, waalidka xoogsaday dakhliga sare waa in uu sheegto tixgelinta.

 

Haddii cunugga

$                   la nooleyn waalid,

$                   u yahay cunug u qalmo in ka badan hal bixiye canshuur, iyo

$                   bixiyeyaasha canshuurta ku heshiin karin qofka sheegan karo ubadka, markaas bixiyaha canshuurta ee ugu daqli sareeyo waa in uu sheegto tixgelinta.

 

 

Yaa Ah Cunugga La Korsado Ee U Qalmo?

Cunugga la korsado ee u qalmo waa cunug ay adiga kuugu meeleysay wakaaladda loo fasaxay.  Iyada ama isaga waa in ay kula noolaadaan in ka badan 6 bilood tirsan sannadka canshuurta iyo waafaqsan yahiin sharciyada da=da.

 

 

EITC ma Saameyn Doontaa MFIP, SSI, Koobonka Rashiinka ama Manaafacaadka Kale ee aan Qaato?

Lacagaha EITC looma xisaabo daqli ahaan xagga gargaarka dadweynaha.  EITC waxaa loo xisaabi karaa ilo xagga kooboonka rashiinka.  Guud ahaan, lacagaha EITC looma xisaabo dakhli ahaan muddada bisha aad qaadatid jeega ama bisha ku xigta.  Labo bil kaddib, lacag celinta ku soo hartay waxaa la xisaabi doonaa marka la fiirinaayo hantidaada inta ay la eg tahay.  Haddii aad isticmaashid lacagta laguu soo celiyo, waxaa dhici karto in aad u baahatid in aad caddeysid in aad isticmaashay.  Haayso dhammaan resiidyadaada.

Minneapolis Legal Aid – CLE

MN Legal Services Coalition

2324 University Avenue, Suite 101B

St. Paul, MN  55114

Ha isticmaalin warqadaan xogta haddii ay ka weyn tahay hal sanno.

Noo soo qor marka aad dooneysid waraaqaha casriyeysan, liiska warqadda xogta, ama qaababka kale.  Waraaqaha Xogta ma u aha jawaab dhameystiran arrimaha sharcigai.  U tak qareen si aad u heshid la-talin