Education for Justice                  FACT SHEET T-5   (Somali)                                             2009

 

 

MARKA AY QABSADAAN CANSHUUR CELINTAADA

WHEN THEY KEEP YOUR TAX REFUND

 

 

WAA MAXAY DIB U QABSASHADA DAKHLIGA?

Waaxda Dakhliga Minnesota waxay haysan kartaa canshuur celintaada dakhliga ama hantida ee Minnesota, ama abaal-marinta baqtiyaanasiibka haddii aad lacag ka qabtid wakaalad ka tirsan gobolka ama deegaanka.  Waaxda canshuurta waxay lacagta la soo celiyo u dirtaa wakaaladda aad lacagta ka qabtid.  Tan waxaa lagu magacaabaa Adib u qabsashada dakhliga@.  Waxaa loo isticmaalaa in lagu aruuriyo lacagaha dheeraadka ah ee laga qaatay gargaarka dadweynaha, biilasha caafimaadka laga qabo isbitaalada magaalada ama deegaanka, daynta dugsiyada, masaruufka ilmaha, iyo ganaaxa ama magta kiisaska dambiyada.

 

 

GOORMAA AYAAY LACAGTA II SOO NOQOTO KA BADBAADDA DIB U QABSASHADA?

Xataa haddii aad qabtid lacagta, ma qaadan karaan lacagta laguu soo celiyo haddii:

·              Dayntaada qaabilsan tahay biilashaada caafimaadka, iyo dakhligaada marka aad heshay xanaanada caafimaadka ka hooseeyo heer go=an.  Heerkaan wuu isbadalaa sannad kasta.  Tusaale, haddii biilkaada caafimaadka ahaay 2000, markaas dakhligaada 2000 waa in uu ahaay:

-     $8,800 ama ka yar halkii qof;

-     $11,270 ama ka yar qofkii haayo 1 ku-tiirsane;

-     $13,330 ama ka yar qofkii haayo 2 ku-tiirsaneyaal;

Wac Waaxda Dakhliga oo laga helo (651) 296-3781 si aad u heshid tirada lacagaha sannooyinka kale ama inta ka badan 2 ku-tiirsaneyaal.

 

·        Dayntaada waxay la xariirtaa lacago dheeraad ah ee lagaa siiyay gargaarka dadweynaha, adigana aad weli qaadatid gargaarka dadweynaha.  Tan macnaheeda waxa waaye MFIP, GA, gargaarka xanaanada cunugga iyo wixii la mid ah.  Laakin waxay qaadan karaan lacagaha laguu soo celiyo inta aad weli ku jurtid gargaarka haddii lacago dheeraad ah lagu siiyay maxaa yeelay waxaad sheegtay been ama waxaad si ula kac ah u jebisay sharciyada barnaamijka gargaarka.

 

·        Waxaad wakaaladda la yeelatay qorshe lagu bixiyo lacagaha, waxaad la qabsatay bixinta lacagta iyo qorshahana wuxuu sheegaa in ay isticmaali doonin dib u qabsasho,

 

·        Dayntaada waxay ka badan tahay 6 sannadood.  Waxaa jira waxyaabaha qaar oo ka reeban sharcigaan.  Tusaale, waxay dib u qabsan karaan daymaha amaahda la siiyo ardayda xataa 6 sannadood kaddib.

 

Dhammaan kiisaska kor ku qoran, ma qaadan karaan lacagaha laguu soo celiyo, laakin waa in aad iyaga ugu sheegtid si qoraal ah.

 

 

WAA MAXAY OGEEYSIISKA LOO BAAHAN YAHAY IN AAN HELO?

Marka hore wakaaladda deegaanka ama gobolka ayaa wuxuu Waaxda Dakhliga weydiiyaa in uu qaato lacagaha laguu soo celiyo.  Markaas 5 maalin gudaheeda wakaaladda u haaysato in aad iyaga ka qabtid lacag waa in ay kuu soo dirto ogeeysiis ku saabsan xuquuqda aad leedahay.

 

Ogeeysiiska wuxuu adiga kuu sheegaa:

$                    waxaa daynta ku saabsan tahay, inta ay tahay, iyo marka ay dhacday,

$                    in ay rabaan in ay isticmaalaan dib u qabsashada dakhliga,

$                    in aad ka doodi kartid daynta iyo haddii aad hoos imaaneysid dib u qabsasho,

$                    sida aad uga hortagi kartid dib u qabsashada dakhliga,

$                    in aad racfaan ka qaadan kartid.

 

SIDEE AYUU U SHAQEEYAA HABKA RACFAANKA?

U qor wakaaladda sheegeyso in aad iyaga ka qabtid lacag, ha u qorin Waaxda Dhakhliga.  Warqadda mesha kore ku qor in ay tahay ARacfaanka Dib u Qabsashada Dakhliga@ ("Revenue Recapture Appeal").  Si kooban u fasir sababta ayan u haysan karin lacagta kuu soo noqoto.  Sababaha waxay noqon karaan in

Ÿ         aadan qabin lacagta ama

Ÿ         xataa haddii aad qabtid lacagta, waa lagaa badbaadiyay - fiiri kor.

 

Haayso koobiga warqadda.  Wakaaladda waa in ay hesho racfaankaada 45 maalin gudaheeda laga bilaabo taariiqda ogeeysiiskooda laguugu soo diro boostada.  Wakaaladda waa in ay qabtaan dhageeysi 30 maalin gudahooda.  Ma u baahnid qareen, laakin, waxaad wacan kartaa mid aad ka heshid la talin.

 

Xaq uma leedahid dhageysi haddii daynta laga soo saaray xukun ama amar maxkamadeed.

 

Haddii aadan wakaaladda ka helin ogeysiis ku saabsan xuquuqda aad leedahay, weli waxaad qaadan kartaa racfaan:

$                    U qor wakaaladda si aad u weydiisatid racfaan.

$                    Waqtiga 45ta maalin ee aad ku qaadatid racfaanka ma bilaawdo ilaa aad ka heshid ogeeysiis qoran in ay iyaga rabaan in ay isticmaalaan dib u qabsashada dakhliga.

$                    Haddii wakaaladda sheegto in ay kuu soo dirtay ogeeysiis, ee aadan adigana marna helin, markaas waxaad dhageeysi ku heleysaa labo arrimood.  Marka hore, dhab ahaantii ma heshay ogeeysiis?  Marka labaad, ma qaadan karaan lacagaha laguu soo celiyo?

 

Minneapolis Legal Aid – CLE

MN Legal Services Coalition

2324 University Avenue, Suite 101B

St. Paul, MN  55114

Ha isticmaalin warqadaan xogta haddii ay ka weyn tahay hal sanno.

Noo soo qor marka aad dooneysid waraaqaha casriyeysan, liiska warqadda xogta, ama qaababka kale.  Waraaqaha Xogta ma u aha jawaab dhameystiran arrimaha sharcigai.  U tak qareen si aad u heshid la-talin