Education for Justice FACT SHEET H-1 (Somali) Fall 2009
MACLUUMAADKA AASAASIGA AH EE KIREYSTAHA
Basic Information for Tenants
GURI RAADIS
·
Waxa
aad xaqiijisaa in milkiilaha guriga aad hada ku jirto uu warbixin fiican kaa
qori karo haddii lagu soo weydiiyo. Haddii aaney taa sameyn karin, Waxa aad warqad wasteyn (xog-bixin) ah ka soo qaadataa qof
kale sida shiikh ama hogaamiye bulsheed.
·
Waligaa
ha kireysan guri aanad arkin. Ha u ogolaan milkiilaha in uu ku tuso “mid la
mid” ah ka uu kaa kireynayo.
·
Ha
bixinin khidmada arjiga adoo fursad fiican oo aad ku heleyso guriga haysta
mooyee. Haddii aad taariikhdaada guri kireysiga ama deyn gaadashada aad
warbixin xun ku heysato, u sheeg
milkiilaha guriga inta aanad bixin khidmada arjiga. Minneapolis waxa ay leedahey
xeer ah inta aanu milkiiluhu qaadanin khidmada arjiga, waa in ay ku siiyaan
nugul ay ku qoranyihiin waxyaabaha ay ka eegayaan kireystaha (waxyaalaha
aasaaska u ah xulashada). Milkiiluhu ma qaadan karo wax ka badan lacagta 1
khidmo arji gurigiiba. Waa in aad ka soo ceshataa lacagtaadii haddii gurigii uu
qaatey qof kaa soo horeeyey ama hadii gurigii laguugu diidey sababo aan ku
jirin liiska waxyaalaha laga eegayo kireystaha. Xajiso dhammaan waraaqaha ku
saabsan arjiga kuna dacwee maxkamadda heshisiinta hadii uu milkiiluhu uu jabiyo
xeerka. Waxa aad eegtaa baalkayaga xaqiiqda ee, Maxkamadda Heshiisiinta Dadweynaha.
·
Haddii
milkiiluhu uu isticmaalo hay’ada aadka u soo baadha marka dadka laga xulanayo,
waxa khasab in ay kuu sheegaan magaceeda, cinwaankeeda, iyo lambarka
taleefoonka ka hor inta aaney kaa qaadin khidmada arjiga.
·
Milkiiluhu
kaama qaadi karo khidmad uu ku doonayo in uu warbixin uga helo hay’ada dadka
aad ka u soo baadha marka la kala xulalanayo isaga oo aan kuu heyn guri. Haddii
milkiiluhu uu qaado khidmada hay’adda wax xulasho aad u soo baadha laakiinse
aanu u isticmaalin in uu siiyo ha’adda dad kala xulashada aad ka u soo baadha,
waxa khasab ah in lacagtii laguu soo celiyo.
·
Hadii
lagu soo celiyey ama lagu soo diidey, waxa aad la xiriirtaa hay’ada dad kala
xulashada aadka u soo baadha (haddii la isticmaaley mid). Ka soo qaado nuqul
warbixintoodii ah. Waxa aad xaq u leedahey in aad saxdo wixii khalad ah ee
dhacay.
·
Waxa
aad xaq u leedahay in laguula macaamilo si sinaan ah. Tusaale ahaan, waa sharci
darro in milkiile guri kugu soo celiyo midabkaaga qofahaaneed, qof naafo ah,
qof qaadanaya mucaawimada dawladdu bixiso, ama waalid caruur leh. Haddii aad
dareensantahay in lagu takoorey, waxa aad isla hada wacdaa xafiiska caawinta
sharciga. Waxa aad eegtaa baalkayaga xaqiiqda ee, Midab kala Sooca Guryaha.
·
WALIGAA
ha bixinin lacagta dibaajiga amniga ah inta aanad saxiixin heshiiska kirada
(ijaarka) ka hor.
·
Milkiilayaasha
qaar ka mid ah ayaa waxa ay weydiistaan “dibaaji ka hordhaca heshiiska kirada
(ijaarka)” si ay kuugu celiyaan guriga inta aanad saxiixin heshiiska ka hor.
Tani waxaay ka duwantahay dibaajiga amniga. Milkiiluhu ma qaadi karo “dibaaji
ka hordhaca heshiiska kirada (ijaarka)” isaga oo aan heysan heshiis la
iskuraacey oo qoraal ah. Heshiiska la iskuraacey waa inuu sheegaa waqtiga laguu
soo celinayo lacagta dibaajiga iyo hadii kale.
SAXIIXIDDA HESHIISKA KIRADA
·
Akhri
heshiiska kirada inta aanad saxiixin ka hor! Milkiilahu wuu ku khasbanyahay in
uu nuqul ku siiyo.
·
Ha
saxiixin heshiiska kirada adiga oo aan marka hore iska idha-indheyn guriga
dhismaha weyn ka midka ah. U samee liis waxkasta oo wasakheysan, iinn qaba, ama
jaban. Ka saxiix liiska milkiilaha kulana heshii in uu dhibaatada hagaajiyo.
Keydso nuqul.
·
Milkiiluhu
waxa uu ku khasbayanyahay in uu isticmaalo heshiis qoran haddii dhismaha ay ku
yaalaan 12 aqal ama ka badan.
·
Adigoo
hadana si dhakhso ah u guuraya mooyee, waxa kuu fiican heshiis qoran oo,
heshiis hal sannadle ah halka aad bil ka bil u kireysan laheyd.
·
Waad
kula gorgortami kartaa milkiilahaaga in uu badalo heshiiska kirada inta aanad
saxiixin ka hor. Waa inaad ansixisaan labadiinuba wixii isbadal ah ee aad
sameyseen.
·
Milkiiluhu
waxa uu ku khasbanyahay in uu ku siiyo jidka cinwaankooda. Sanduuqiisa Boostada
(S.B) oo kali ahi si fiican kuguma fila.
·
Marka
uu dhammaado heshiiskaaga kiradu (sida caadiga ah 1 sano kaddib), waa in aad
saxiixdo heshiis-kireed cusub, heshiiskaaga kirada oo qeexya in uu isla marka
uu dhamaadoba cusboonaanaya mooyee. Haddii aanad saxiixin heshiis-kireed, waxa
aad noqon doontaa kireyste bil-ka-billeh ah, milkiilaha guriguna waxa uu ku
weydiisan karaa in aad ku baxdo mudo ogeysiin bil iyo maalin kaliya ah.
RABSHADDAHA GACAN-KA-HADALKA WATA EE QOYSKA IYO JABINTA HESHIISKA KIRADA
Haddii adiga ama
mid ka mid ah caruurtaadu uu yahay dhibane xadgudub sokeeye aadna u maleyneyso
in xad-gudubku sii socondoono haDdii aad sii joogto guriga, waad joojin kartaa
heshiiska kirada inta aanu dhammaan ka hor. Haddii aad dooneysid in aad
heshiiska hore u joojiso waxa jira waxyaalo khasab kugu ah in aad sameyso:
Khasab kuguma ah
in aad milkiilaha guriga siiso faahfaahin ku saabsan xad-gudubka. Xaqna uma
laha milkiilaha gurigi in uu kaa hor istaagoo guuritaanka. Sharcigu ma sheegayo
mudada aad ogeysiinta ku siineyso in aad ku guureysid, laakiin waa in aad siiso
ogeysiin wixii waqti suurtogal kuu ah.
Waxa wali lagugu
leeyahey kirada bisha aad heshiiska joojisey. Waxa kaloo lagaa rabaa in aad
bixiso ganaax ah hore u joojinta heshiiska kirada. Ganaaxani wuxuu la qiimo
yahey inta aad hal bil kireeda bixin lahayd, waana khasab in aad bixisid ka hor
inta aanad guurin.
Xitaa hadii aanad
sameynin waxyaabahan oo dhan, waad guuri kartaa milkiilaha guriguna kuguma
khasbi karo in aad joogtid, laakiin waxa laga yaabaa in wali milkiilaha gurigu
kugu leeyahey kiradii ilaa inta uu milkiilahu kiro guriga uga helayo.
BIXINTA KIRADA
·
Marwalba
oo aad bixiso kiradaada waxa aad qaadataa rasiid. Rasiidku waa in ay ku
qorantahay tariikhda, inta lacag aaad bixisey, iyo saxiixa milkiilaha guriga
ama agaasimaha guriga. Qasab ma aha in uu qaab qaar ah yeesho rasiidku.
·
Heshiisyada
badankooda, waqtiga kirada lagu bixiyaa waxa uu yahey kowda bisha. Hadii aad ku
bixin weydido, milkiiluhu waxa uu kugu ganaxayaa khidmad ama waxa uu kuu
diiwaan galinayaa dacwad uu guriga kaaga cayrinayo (UD).
·
Marwalba
kirada ku bixi waqtgeeda. Kiradaadu waa biilka ugu muhinsan ee aad bixisid.
Waligaa ha ku xisaabtamin in milkiilaha gurigaagu in uu u dulqaato oo uu sugo
kirada.
·
Haddii
aad heysato heshiiska kirada oo qoraal ah, kaas ayaa kuu sheegaya marka uu
milkiilaha gurigu kordhin karo qiimaha kirada. Haddii aanad heysanin, markaas
milkiilahu wuu kordhin karaa kirada isaga oo ku siinaya ogeysiin qoraal ah oo
hal bil iyo maali ah.
HADDII AAD HEYSATID DAD KULA DEGGAN
·
Waa
inaad aad ugu taxadirtaa doorashada dadka kula degaya. Haddii dadka kula dagani
bixin waayaan kiradoodii, waa in aad adigu bixisaa. Haddii dadka kula daggani
jabiyaan heshiiskii, waa lagu ceyrin karaa.
·
Haddii
aad heysatid heshiis qoraal ah, waxa ay u badatahey in uu heshiisku dhahayo in
aanu kula dagi karin qof aan ku gorey adiga oo ogolaasho ka heysta milkiilaha
guriga mooyee. Xitaa haddii aanad
haysan heshiis qoraal ah, waa fikrad fiican in aad ogolaasho ka heysato
milkiilaha guriga.
·
Haddii
magacaagu ku biilasha isticmaalada korontada, biyaha, iyo gaaska, sharikaduhu
adiga ayey kugu soo dalacayaan dhammaan biilka. Haddii aanu magacaagu ku
qorreyn ma lagugu soo dallacayo.
·
Hadii aad guurtid, waxaad xaqiijisaa in aad
milkiilaha heshiis ku tihiin, iyada oo
qoraal ah, in uu kaasaaro heshiiskii kirada. Hadii kale, waxa wali
lagugu soo dalici karaa kirada. Waxa kaloo xitaa aad hubisaa in magacaaga laga
saaro biilasha isticmaalada biyaha, korantada, iyo gaaskaba.
XOGTA QOFKA KHAASKA U AH
·
Milkiilaha
gurigu waxa uu kuu soo gali karaa hadii waxa shaqo ah uu guriga ka qabanayo iyo
hadii wax gargaar deg-deg ahi ay jiraan.
·
Haddi
waxa deg-deg ahi aaney jirin, milkiilaha gurigu waa in uu sameeyaa si “aad
daacanimo ugu jirto” inta karaankiisa in uu ku siiyo ogeysiin “macquul ah”.
·
Haddii
milkiilaha gurigaagu uu galo gurigaaga adiga oo ka maqan waa in ay kuu dhaafaan
oqeysiin.
·
Haddii
milkiilaha gurigaagu uu jabiyo sharcigan, waxa aad ku dacweyn kartaa in
lacagtaadii kirada laguu soo celiyo iyo/ama inuu siidaayo heshiiskaagi.
·
Qashqashaada
galmada ee milkiilaha, daryeelaha hantida, agaasimaha, ama ilaaliyaha amniga
waa sharci darro (mamnuuc).
DAYACTIRKA
·
Marka
aad dayctir rabtid, isla markiiba wac milkiilaha guriga, ha sugin.
·
Haddii
ay tahay waxa deg-deg ah (sida kuleyliso la’aan, koronto la’aan ama biyo
la’aan, musqul jaban, ama adoo ulajeeda ogeysiin in aan guriga la isticmaali
karin), waxa aad markiiba wacdaa xafiiska caawinta sharciga. Waxa aad weydiisaa
waxa ku saabsan ficilka lagu xoojinayo xuquuqda kireystaha qaba xaalad deg-deg
ah.
·
Haddii
aysan ahayn xaalad deg-deg ah, waxa aad milkiilaha u qortaa warqad liiska dhammaan wixii dhibaatooyin ah. Ka
heyso nuqul si aad ugu dacwooto in laguu celiyo qeyb ka mid ah kirada. Haddii
iyada/isagu uu ku sameyn waayo dayactirka mudo 14 casho ah, wax aad wacdaa
xafiiska caawinta sharciga waxana aad weydiisaa waxa ku saabsan soo celinta
qeyb ka mid ah kirada. Haddii ay gaarto dacwada celinta qeyb ka mid ah kirada,
waxa aad kiradaada ku bixin doontaa maxkamadda dhex-deeda. Maxkamaddu waxa ay
amar ku bixin kartaa in dayactirka la sameeyo iyo in laguu soo celiyo qeyb ka
mid ah lacagtii kirada. Waxa aad eegtaa baalkayaga xaqiiqada ee, Sida Loo Waydiisto Milkiilaha Guriga Inuu
Dayactiro Guriga.
·
Ha ka
hayn milkiilaha kirada, hana sameynin dayactirka kaddibna ha ka goynin
kharashka dayactirka lacagta kirada guriga.
·
Waxa
xitaa milkiilaha gurigaaga ku dacweyn kartaa maxkamadda heshiisiinta
dabaatoyinka aad ka mudatey dayactir la’aanta mar hore si lacag laguugu soo celiyo.
Waad ku dacwoon kartaa marka aad guurto kaddib, laakiin waxa aad u baahantahay
caddeyn in milkiiluhu ogaa dhibaatadaada laakiin aanu waxba ka qaban
dayactirkii.
KA QUFULASHADA IYO GOYNTA-DAMISKA
·
Dariiqa
kaliya uu milkiilaha banaanka kuugu tuuri karo waa isaga oo kuu furo kiis
maxkamaddeed oo layiraahdo ka saarid. Milkiiluhu ma badali karo qufulada
guriga, dibaddana uma bixin karo raasamaalkaaga, mana goyn karo isticmaalada
sida biyaha, korantada, gaaska, wax kalena kuma sameyn karo si uu kuugu khasbo
in aad ka guurtid guriga isagoon tagin marka hore maxkamadda ka saaridda.
·
Haddii
lagaa xirto guriga, wac milkiilaha gurigaada una sharax in ka qufulashadu ay
dambi tahay sida uu dhigayo xeerka Minnesota ee qodobkiisu yahay 504B.225.
haddii ay kuu furi waayaan, wac booliiska. Haddii taasi shaqeyn weydo, wac
xafiiska caawinta sharciga.
·
Waxa
aad diiwaan gashan kartaa dacwad ah in Gurigii Lagaa Xirtey si laguugu furo.
Haddii milkiiluhu kaa xirtey guriga, ama kaa jarey isticmaalada sida biyaha,
korantada, gaaska, ama kuula dhaqmey si “ballan jabin” waxa aad heli kartaa
$500 oo loo geeyey khidmadaha qareenka. Waxa kalo aad kaddib ka dacween kartaa
Maxkamadda Heshiisinta.
CEYRISYADA
·
Haddii
gurigii lagaa ceyriyey, akhri baalkayaga xaqiiqda ee, Xuquuqdaada Marka Guriga Laga Ceyrinayo. Waxa aad isla markiiba
wacdaa xafiiska caawinta sharciga.
·
Milkiilaha
gurigaadu waxa uu diiwaan gashan karaa dacwad lagaaga ceyrinayo guriga haddii
aad kiradii ku bixin weydid waqtigeedii, haddii aad jabisid heshiiska, ama
haddii aad ku sii jirtid guriga kaddib markii ay dhammaatey ogeysiintii ku
habooneyd ee laguu siiyey in aad ku baxdid.
·
Waa
khasab in aad ku heshid waraaqaha maxkamadda 7 maalmood ka hor dhageysiga.
·
Aad
maxkamadda waana in aad waqtiga gu ballamiyay ku joogtaa, ama waxa aad ku waayi
garta maqnaashaha aad maxkamadda ka maqnaatey. Maxkamadda aad xitaa haddii waxa
aad doneysid ay tahay in laguu kordhiyo waqtiga aad ku guureysid.
·
Haddii
garta lagaa helo, muddada ugu badan ee maxkamaddu kuu siin karto in aad ku
guurtid waa 7 maalmood.
·
Haddii
lagugu leeyahay lacagta kirada ama ganaaxa daahiska, waa in aad keentaa
maxkamadda. Haddii aad ku bixiso dhammaan lacagtan maxkamadda horteeda, lagu
ceyrinmaayo. Waxa laga yaaba waraaqaha maxkamadda in ay ku jirto liiska inta ay
tahay lacagta khidmada ah ee milkiiluhu ku diiwaan galiyey dacwadda, haddii
aaney ku qureynqorreyn, wac maxkamadda si aad u ogaato. Waa in aad bixiso xitaa
khidmada diiwaan galinta, lakiin waxa aad weydiisan kartaa in aad ku bixisid
mudo 7 maalmood ah.
·
Haddii
aad dib ugu heysid kirada sababtuna ay tahay dhibaatooyin ka yimid dayactirka,
waa in aad geeyso maxkamadda lacagtoo dhan. Lagagama rabo ganaaxa daahinta ama
khidmadda diiwaan galinta, laakiin waxa
laga rabaa lacagta kirada oo dhan in aad maxkamadda horteeda ku bixisid iyo
caddeyn ah in milkiilaha gurigaagu uu sameyn waayey dayactiradii.
TIRTIRID
·
Diiwaanada
maxkamadda ee ceyrisku waxa ay u furayihiin dhammaan daweynaha oo arki kara.
Shirkadaha aad u soo baara dad-xulashadu waxa ay kaa gudbin karaan warbixin
ilaa 7 sannadood. Wey adagtahay, laakiin waa soortagal, in ay maxkamaddu kaa
masaxdo ama “tirtirto” si aaney kaaga dirin shirkadaha marka lakala xulayo
dadka aadka u soo baadha.
·
Marka
aad maxkamadda u aaddid ceyriska, weydiiso maxkamadda in lagaa tirtiro
diiwaanka haddii aad garta hesho ama aad isla garateen heshiis dhaqameed.
·
Haddii
garta ceyriska ee maxkamadda lagaa helo, uma ekaaneyso in maxkamaddu kaa
tirtirto diiwaanka.
·
Haddii
uu kuugu jiro kiis hore oo ceyris ah diiwaanka, aadna gartii heshey ama aad
heshiis dhaqameed gashey, laakiin ay wali kaa hortaagan tahay in aad guri
heshid, la xiriir maxkamaddaa si ay kaaga tirtirto.
·
Waxa
kaloo aad xaq u leedahey in aad ka siiso sharax shirkadaha aad ka u soo baadha
dad-xulashada waxala wixii ceyrin aad leedahay. Waa in ay ku daraan sharaxaadaada (ilaa 100 erey)
warbixin kasta oo ay kaa gudbinayaan.
GUURITAANKA
·
Haddii
aanad heysan heshiis kirada guriga oo qoraal ah, ama uu waqtigii heshiisku kaa
dhammadey, markaas kadib waxa aad tahey kireyste bil ka bil ah. Milkiilaha
gurigaadu waxa uu ku weydisan karaa in aad ka baxdid guriga haddii ay ku
siiyaan ogeysiin qoraal ah mudi 1 bil iyo 1 maalin. Sikale hadaan u dhahno,
haddii ay doonayaan in aad ku baxdo bisha Julaay31, waa in aad ku heshaa
ogeysiinta bisha Juun 30.
·
Haddii
aad rabtid in aad guurto, waxa aad eegtaa heshiiskaaga guriga si aad u aragto
inta waqti ah ee khasab kugu ah inaad ogeysiinta ku bixiso. Hadii aanad laheyn
heshiis guri waa in aad ogeysiin qoraal
ah ku siisaa milkiilaha gurigaada in aad ku guureyso mudo 1 bil lugu darey
1maalin. Milkiilahu waa in uu kaa helaa ogeysiinta dhammaadka waqtiga
heshiiska. Ka heyso nuqul oqeysiinta aad dirtey.
·
Uma
isticmaali kareysid lacagtaadii dibaajiga amniga in aad ku bixisid kirada bisha
kuugu danbeysa guriga. Haddii aad yeeshid sidaa, waxa lagu ceyrinkaraa bisha
dhexdeeda. Waxa kaliya oo aad bisha kuugu danbeysa ka boodi kartaa kirada waa
adiga oo sii qadimey hal bil lacagteeda markii aad soo dageysay.
·
Waa
in aad ka guurtaa guriga oo nadiif ah. Waa uu kaa eegaa milkiilahu ama
daryeeluhu marka aad guureysid iyo waa in ay kuu saxiixaan warqad dhahaysa in
gurigu dhamaan nadiif yahay iyo in aan waxba jabneyn.
·
Haddii
aad dooneysid in aad guurto inta aanu heshiiskaaga gurigu dhammaan, marka hore
la hadal milkiilaha gurigaaga. Waxa lagayaabaa in aad wax islagaartaan, siiba
haddii aad u heshid kireyste kale oo ku badala. Haddii kale, waxa aad
bixineysaa kirada ilaa inta uu heshiisku ka dhamaanayo.
·
Haddii
sababta aad u guureysaa ay tahay dhibaato ka timid dayactir la’aan iyo
dhibaatooyin kale oo milkiilaha khaladkiisa ah, keydso cadeynada aad u heysa
dhibaatooyinka iyo wixii aad ka sameysey in uu milkiilahu waxa kaqabto
dhibaatooyinka. Warqad u dir milkiilaha. Markaa kaddib waxa aad ku murmi kartaa
in aanad bixineyn lacagta kirada marka aad guurto kaddib.
DIBAAJIGA AMNIGGA
·
Milkiilaha
gurigu waa in uu mudo 21 maalmood ah kuugu soo celiyo lacagtaadii dibaajiga ah.
Haddii uu kuu soo wada celin waayo, waa in ay kuu soo diraan warqad sharaxeysa
sababta.
·
Sicirka
dulsaarku waa 1%. Marka ay tahay 1%, lacagta dibaajiga $500 ahi waxa ay
noqoneysaa qiyaastii $5 oo dulsaar ah sannakiiba.
·
Milkiilahu
waxa kaliya oo uu ka goosan karaa lacagta diibaajiga wax jaban, lacagta kirada
ee aan la bixin, iyo khidmadaha aad ogolaatey in aad bixiso (sida khidmada
nadiifinta waxyaalaha aad wasakh kaga tagtey, khidmada furayaasha kaalumey,
iwm). Milkiilahu kuguma soo dalici karo waxa “caadi ahaan madha ama rifma”.
Haddii milkiilaha gurigaagu kuu soo
celinwaayo lacagtaadii dibaajiga. Waxa aad ka dacween kartaa maxkamadda
heshiisiinta. Waxa aad eegtaa baalkayaga xaqiiqda ee, Debaajiga Badbaadada Ah iyo
Maxkamadda Heshisiinta Dadweynaha.
|
Minneapolis Legal Aid – CLE MN Legal
Services Coalition 2324
University Avenue W. – Suite 101B St. Paul,
MN 55114 |
Ha isticmaalin warqadaan xogta haddii ay ka weyn tahay hal sanno. Noo soo qor marka aad
dooneysid waraaqaha casriyeysan, liiska warqadda xogta, ama qaababka
kale. Waraaqaha Xogta ma u aha jawaab
dhameystiran arrimaha sharcigai. U tak
qareen si aad u heshid la-talin |