ILAA – Immigrant Legal Advisors Alliance

Caawinaya Qaxootiga jooga Minnesota & North Dakota

2324 University Avenue West, Suite 101B • St. Paul, MN 55114 • (651) 228-9105 ext. 113

 

 

 

 

 

 

Somali                                                                                                                                                                                    Oktoobar, 2007

 

 

Wargalinta Waaxda Adeegga Socdaalka

Baddalista Cinwaanka

Reporting a Change of Address to the Immigration Service

 

 

MA IN AAN WAAXDA SOCDAALKA LA SOCODSIIYO MARKA AAN BADDALO CINWAANKAYGA MIYAA?

Haddi aanad ahayn muwaadin U.S-ta ah, laakiinse aad ku nooshahay U.S-ta, waxa lagaa filayaa inaad la socodsiiso waxa cinwaankaaga cusubi yahay Waaxda Adeegga Jinsiyada & Socdaalka ee Waddamada Midoobay (the United States Citizenship & Immigration Service) (USCIS). Waa inaad ugu soo sheegtaa mudo 10 maalmood gudahooda markasta oo aad guurto ama aad baddasho cinwaankaaga. Muwaadiniinta U.S-da iyo kuwaa aan muwaadiniinta ahayn ee “damaanad-qaade,” qof qaxooyti ah U.S-ta dhexdeeda saxiixana “axdi in uu caawinayo” waa inuu isna u soo sheegaa USCIS-ta marka cinwaanadooda ay baddalaan. Damaanad-qaadayaashu waxa ay haystaan 30 cisho gudadood in ay ku soo wargeliyaan baddaladda cinwaanka.

 

 

SIDEE  U SOO SHEEGAA CINWAAN BADDALISTA?

Haddii aad rabtid inaad u sheegto USCIS-ta inaad cinwaankaagii baddashay, waa inaad buuxisaan Foomka AR-11, (Alien’s Change of Address Card).  Waxa aad foomka ka buuxin kartaa shabakada internetka USCIS-ta www.uscis.gov/AR-11.  Marka aad buuxisid, hubi inaad nuqul aad kaydsato ka samaysato foomka. Waxa aan kuu soo jeedinayna in aad ku soo dirto foomka warqadda boostada oo sugan, iyo waydiiso rasiidka soo celinta. Sidaas, waxa aad ku ogaandoontaa bal haddii ay USCIS-tu heshay warqadii, iyo inaad caddayn u hayso in aad dirtay haddii aad u baahato.

 

Waxa kaloo aad halkii aad boostada ku soo dirilahayd ka xerayn kartaa foomka AR-11 shabakadda internetka (online), booqo shabakada USCIS-ta eek or ku xusan, iyo guji “kadka shabakadda ku baddal cinwaankaaga” “on line change of address”  ee ku yaalla bogga dhinaca midigta. Raac sharraxaadda, hubina inaad caddaynta ka daabacato  nuqul aad kaydsato.

 

Haddii aad tahay damaanaqaade muwaadin U.S-ta ah ama aanad ahayn muwaadin, waa inaad cusboonaysiisaa cinwaankaaga adigoo xeraynaya Foomka I-865, Ogaysiiska Baddalista Cinwaanka Damaanad-qaadayaasha (Sponsors Notice of Change of Address). Foomkani waa in loo soo diraa USCIS-ta, lagamana xerayn karo interneka (online). Ka daabaco shabakadda USCIS-ta oo laga helo www.uscis.gov/I-865. Haddii aanad ahayn muwaadiin iyo damaanad-qaade, waa inaad buuxisaa labada Foomba AR-11, iyo Foomka I-865.

 

 

 

KIISASKA LAALAN (AAN WALI GO’AAN LAGA GAADHIN)

Haddii aad ku leedahay waaxda socdaalka USCIS, arji laalan (aan wali go’aan laga gaadhin) waxa khasab kugu ah inaad buuxiso Foomka AR-11, laakiin waa inaad waliba u soo dirtaa ogaysiinta baddalista cinwaanka xafiiska waaxda socdaalka meesha uu arjigaagu ku laalanyahay.

 

Ma jiro foom khaas oo loo isticmaalo tan. Haddii aad rabto inaad tan boostada ku soo dirto, ku soo qor warqad leh magacaaga oo buuxa, lambarkaaga diiwaanka laajinimada, lambarka rasiidka arjigaada, iyo cinwaankaaga cusub iyo kii hore. Haddii aadan la soo socodsiin baddalaadda cinwaankaaga xafiiska meesha kiiskaagu ku laalanyahay, ma helaysid waraaqaha ku saabsan go’aanada ama warbixinada kale ee muhiimka ah ee ku u saabsan kiiskaada. Tani waxa laga yabaa in ay sababto inaad waydo macluumaadka waaxda socdaalka ee aad codsatay.           

 

Haddii aad khadka (online) ku xeraysatay Foomka AR-11, waxaa lagu weydiindoonaa sharraxaadyo macluumaadfka ku saabsan codsiyada laalan (aan go’aanka wali laga gaadhin). Gali macluumaadka iyo islamarkiiba waxa la ogaysiindoon xafiiska USCIS-ta ee mas’uulka ka ah codsigaaga laalan (aan go’aanka laga gaadhin). Haddii aad tani ku samayso khadka (online), uma baahnid in aad u dirtid xafiiska meesha uu codsigaagu ku laalanyahay warqad gooni ah oo baddalka cinwaankaaga ah.

 

 

GANAAXA SOO SHEEGID LA’AANTA CINWAAN BADDALISTA

Haddii aanad ahay muwaadin U.S-ta ah iyo aadna si ula kac ah na 10 maalmood gudahood u soo sheegi wayday baddalista aad cinwaankaaga baddashay, waxa lagugu soo eedayndoonaa dambi danbiyada yaryar ah. Haddii dambiga lagugu helo, waxa lagu ganaaxi karaa ilaa $200, iyo xarig ilaa 30 maalmood ah. Waana lagu tarxiili karaa. Soo sheegidda baddalista cinwaanku waa mid ka mid ah mas’uuliyadaha uu leeyahay qofka aan muwaadinka ahayn haddii ay doonayaan in ay joogaan U.S-ta gudaheeda, ama mustaqbalka in ay helaan waxtarka waaxda socdaalka.

 

Haddii aad tahay damaanad-qaade aan soo sheegin 30 maalmood gudahood baddalista cinwaankaaga, waa lagugu ganaaxi karaa soo sheegid la’aanta baddalka.

 

 

KUWA AAN MUWAADINKA AHAYN EE AAN HAYSAN AQOONSI SHARCIYAYSAN

Haddii aadan ahayn muwaadin oo aadan ku haysan U.S-ta gudaheeda aqoonsiga sharciga waaxda socdaalka, iyo aadan haysan codsiga aqoonsi sharci laalan (aan wali go’aan laga gaadhin), waa inaad heshaa qareen kaala taliya sharciga kahor inta aadan u sheegin USCIS-ta waxa ku saabsan baddalista cinwaankaada.   

Caawimaad dheraad ah booqo www.LawHelpMN.org ama www.midmnlegal.org  

 

Baalasha xaqiiqdu ma aha jawaabta dhan ee mushkiladaha sharciga ah. Arag qareen kula taliya.