ILAA – Immigrant Legal Advisors Alliance

Lagu Caawinayo Soogalotiga Minnesota & North Dakota

2324 University Avenue West, Suite 101BSt. Paul, MN 55114 • (651) 228-9105 ext. 113

 

 

 

 

 

 

Somali                                                                                                                                                                   Oktoobar, 2007  

 

 DIGNIINO IMIGAREESHIN

Immigration Warnings

 

 

Maraykanka sharci kuma haysto laakiin waxaan doonayaa mustaqbalka soo socda in aan xareysto warqado ii oggolaanaya in aan sharci ku jooogo. 

 

 

HADDA MA JIRAAN FURSADO IGA CAAWIN KARA SI AAN MAR DAMBE SHARCI U HELO?  

 

Haddii aad Maraykanka ku joogtid adiga oo aan fasax u haysan, waxa aad jabinaysaa sharciga dal-ku-galka Maraykanka. Waxa aad halis u tahay in lagu soo qabto oo ay ku xiraan Immigration & Customs Enforcement (ICE), iyo in lagu musaafiriyo. Haddii aadan waddankan sharci ku joogin, laakiin aad raja ka qabtid in maalin uun aad sharci xareysatid, waxaa jira waxyaabo aad samayn kartid oo kugu caawinaya fursadaha aad u leedahay in aad mustaqbalka aad sharci ku heshid

 

 

·        Shiddada Iska Ilaali. Ha ka qayb qaadan falal dembi. Waxa uu kaa reebaya sharci in aad heshid ayna dhici karto in waddanka lagaa saaro. Waxa boliiska ama haydaha nabadsugidda kuu soo jiidanaya iska ilaali waa haddii aysan danta kugu qasbin. Meelaha qaarkood boliisku waxa ay la shaqeeyaan saraakiisha imigareeshinka, waxaana dhici karta in ay ICE wacaan haddii ay rumaysanyihiin in aad sharcila’aan ku joogtid.

 

Laakiin waa in aad boliiska wacdid haddii aad u baahatid, sida marka dembi warbixin aad ka dhiibaysid, ama aad gargaar caafimaad u bahaantahay. Dhibbanayaasha falal dembi qaarkood waxa dhici karta in imigareeshinka siiyo sharciyo qaas ah oo ay ku joogaan haddii ay dembiga soo sheegaan ayna la shaqeyaan hayadaha nabadsugidda arrimaha la xiriira baaris ama cid sharci la soo taago.

 

 

Haddii aad tahay qof horay dembiyo u galay oo faro lagaa hayo, inta aadan xaraysan warqadaha sharci ku joogista Maraykanka  la soo tasho qareen aqoon u leh imigareeshinka.

 

 

·        Ha Sheegan Mu’waadanimo Maraykan. Haddii aadan ahayn mu’waadin Maraykan ah, weligaa (abitkaa) ha sheegan sabab la’aan. Tan waxa la yiraahdaa been sheegasho muwaddinimo aan jiri. Haddii aad sheegatid muwaddinimo Maraykan adiga oo aan ahayn, marnaba laguma siinayo sharci aad ku joogtid, waxana dhici karto in lagu musaafiriyo. Cod-dhiibashada ama isku diiwaangelinta cod-bixinta waxaa loo qaadan karaa been sheegasho muwaddinimo. Isticmaalka dukumiintiga qof muwaddin Maraykan ah ama sheegashada muwaddinimo sabab kasta oo la xiriirta imigareeshinka, ama lagu raadsado gargaar waxtar ee Federaalka ama Gobolka waxaa loo arkayaa sheegasho been ah ee muwaddinimo.

 

 

·        Is-ilaali Haddii aad Maraykanka Ka Baxaysid. Sharciga imigareeshinka Maraykanka waxa uu ciqaabaa dadka qaardkood oo dalka ka tegaya ka dib markii ay muddo sharci la’aan ku joogeen Maraykanka. Haddii aad si sharci darra ah ugu soo gashay Maraykanka, ama aad sii jogtay muddo ka badan tii laguu fasaxay in aad joogtid, waxaad gashay sharci-darro ku joogis. Sharci-darro ku joogista waxaa la xisaabinaya oo kaliya haddii ay dhacday wixii ka dambayey Abiriil, 1997, iyo haddii aad ahayd qof jira 18 sanadood marka uu falka dhacay.

 

-        Haddii aad Maraykanka ku sii joogtay si sharcidarro ah inta u dhaxaysa 6-12 biloo, kaddibna aad baxdid, xayiraad soo laabasho ee 3 sanadood ayaa lagugu soo rogayaa.

-        Haddii aad Maraykanka ku sii joogtay si sharcidarro muddo 12 bilood ama ka badan, kaddibna aad baxdid, xayiraad soo laabasho ee 10 sanadood ayaa lagugu soo rogayaa.

 

Haddii lagugu so rogay xayiraad soo labasho ee 3 ama 10 sanadood, Maraykanka si sharci ah uguma soo laaban kartid, lagumana siinayo sharci muddo 3 ama 10 sanadood. Haddii aad leedahay xaas, waalid ama canug oo sharci ku joogista aan dhacaynin ama muwaddin Maraykna haysta waxa aad codsan kartaa “saamaxid”, ama meesha laga saaro xayiraadda 3 ama 10ka sanadood. Saamaxidda sida lagu helo ma sahlana waxaana lagaa raabaa in aad muujisid caddaymo taageeraya in dhibaatoyin culus qofka qaraabada ah ay soo foodsarayaan. .

 

Dad kale ee sharci darro ku jooga Maraykanka waxa dhici karta in haystaan xayiraad aan dhacaynin. Waxaa lagu galinaya xayiraadda aan dhacaynin marka

1) Aad Maraykanka sharcidarro ku joogtay muddo 1 sano ah ama ka badan, waddanka ayaad ka baxday, kaddiban aad haddana si sharcidarra ah ugu soo laabatay, ama  

2) Waxaa lagaa tarxiilay Maraykanka, kaddibna si sharcidarra ah ayaa ugu soo laabatay. 

 

Dadka ku jira xayiraadda aan dhacaynin si sharci ah uma soo geli karaan Maraykanka, ama lama siinayo joogis sharci ah ee imigareeshinka. Saamaxaad, ama joojinta xayiraadda aan dhacaynin surtogal ma noqonayaan, laakiin waxa aad markale dalban kartaa in aad Maraykanka ku soo laabatid haddii aad dibadda joogtid muddo 10 sanadood ah.

 

·        Iska Bixi Canshuurta Lagugu Yeesho. Dadka ka shaqeeya Maraykanka waxaa laga canshuuraa dakhliga ay sameeyaan. Lacagta canshuurta laga helo waxaa lagu bixiyaa adeegyada ay dawladdu bixiso, waxaana laga jarayaa jeegga mushaarkaaga. Haddii aad ka shaqaysid Maraykanka uuna ku soo galo dhakhli illaa heer ah, waxaa shardi ah in aad xaraysid lacagta kaaga soo laabanaysa canshurrta federaalka iyo gobolka, xitaa haddii aadan sharci u lahayn in shaqaysid.  Canshuur-celinta waa qaab lagu xisaabanayo haddii canshuur dheeraad ah ay dawladda kugu leedahay. Waxaa dhici karta in lagu siiyo lacag-celin kaaga soo noqota lacagta mushaarka aad sheqaysatid ee canshuurta lag jaray. Xitaa haddii ay jirto in aadan canshuurta xaraysan oo aadan lacag fiican shaqaysan, waxa aad weli xaraysan kartaa lacag-celinta. Canshuurta wa in dowladadda laga xareysto muddada ku dhacayso Abriil 15eeda sanad kasta.

 

Haddii aad u baahantahay in aad canshuur-celinta xaraysatid, laakiin aadan haysan lambar soshal sekuuriti dhab ah, waxa aad dalban karataa Lambarka Aqoonsiga Canshuur-bixiyaha (Taxpayer Identification Number – ITIN). ITIN dadka aan fasaxa u haysan in ay ka shaqaystaan Maraykanka ayuu fursad u siinayaa in ay xaraystaan canshuurta. Waxa aad ITIN ka codsan kartaa Internal Revenue Servive (IRS), marka la galo www.irs.gov/, ama la waco 1 – 800-829-1040. Mustaqbalka haddii aad si sharciyaysan aad warqadaha imigareeshinka aad u baddalatid, waxa aad u baahnaan doonta in aad la timaatid koobiyada canshuurtii hore. Xarayn la’aanta canshuur-celinta waxa ay sii adkaynaysaa sida aad wakhti dambe ku heli lahayd sharciga. 

 

·        Koobiyada u Kaydso Xog-ahaan. Waxa muhiim ah in aad kaydsatid koobiyada dukumiintiyada iyo warqadaha caddaynaya in aad Maraykanka muddo ku nooleyd. Dukumiintiyadaan waxa ay muhiim ugu noqon karaan arjiyada aad wakhti dambi u diraysid imigareeshinka. Waa in aad kaydsatid koobiyada:

-        mushaarka,

-        rasiidyada ijaarka,

-        canshuur celinta & foomanka W2,

-        biilasha,

-        warqadaha aqoonsiga dhalashada & guurka,

-        xogta dhakhtarka,

-        sawirka Aqoonsiga,

-        rasiidyada iyo warqadaha dawladda, iyo

-        wax kasta oo la xiriira kiiskaaga imigareeshinka. Waxa aad u fiican in aad haysatid dukumiintiyo leh magacaaga iyo taariikhda.

 

·        Is-ilaali Marka aad Isticmaalaysid Waxtarka Cayrta. Isticmaalka cayrta ama waxtarka ay bixiso dowladda Maraykanka, waxa ay saamayn ku yeelan doonaan arjida aad goor dambe u diri doontid imigareeshinka. Si ay ku qaatan warqadaha degaananshaha aan dhacaynin ee Maraykanka, dadka qaarkood waa in ay ballan qaadan in aysan noqon dad “culays ku ah mujtamaca”. Culeys ku haynta mujtamaca waa marka uu qofka ku tiirsanaan doona caawinadda ay dowladda bixiso. Haddii aad wakhti hore ahayd qof culays mujtamaca ku haya, aad bay u adagtahay in aadan mustaqbalka dambe culeys ku noqonin mujtamaca. Dawladda waxa ay eegi doonta sababata aad caawinadda ugu baatahay iyo inta ay la’egatahay muddada aad qaadanaysay. Dadka qaxootiga iyo laajiyiinta uma baahna in waxaan ka welwelaan. Haddii aad tahay laaji ama qaxooti, fasax ayaad u haysata in aad isticmaashid haddii aad u bahaatid.

 

·        Lacagta Masruufka Caruurtaada. Haddii lagugu amray in aad bixisid masruufka caruurta, lacagta lagugu xukumay iska bixi, oo ku bixi waqtiga laguu qabtay. Haddii aad dib u dhacdid bixinta masruufka, ama lagugu yeesho masruuf hore, samayso qorshe aad la qabsatid lacagta masruufka.

 

Haddii aadan caruurtaada la deggananyn, oo aysan jirin amarka masruufka caruurta, iska hubso in aad dhaqaalaha ka caawisid. Haddii aadan masruuf bixinnin, ama dhaqaale ku taakulaynin

caruurtaada siyaabo kale, waddo adag ayaad u mari doonta si aad

sharci ku heshid.

 

·        Ragga Qaarkood Waa in ay Isku Qoraan Adeegyada  Soocan. Wilasha oo dhan ee ku nool Maraykanka da’dooduna tahay inta u dhaxaysa 18-25 waa isku qoraan adeegyada la soocay. Akhbaarta laga keeno adeegyada soocan waaa la isticmaalil doonta haddii ay laga maarmaan noqoto in askarinimo loo khafaalo. Waxa aad isku qori kartaa adeegyada soocan adiga oo gala www.sss.gov/, ama aad iska xaadirisid Xafiiska Boostada ee Marayskanka (U.S. Post Office).

 

 

Cawinaad Dheeraad ah gal www.LawHelpMN.org ama www.midmnlegal.org   

 

Warqado dhaar lagu soo buuxiyay jawaab uma noqonayaan xaalaha sharciga. Qareen la soo tash.