|
|
LEGAL AID SOCIETY TAX LAW PROJECT Legal Aid Society of |
Somali Sanadka
Canshuurta 2008
LACAG CELISKA JEEGAGGA CANSHUURTA
Mashruuca Dhaqalaaha lagu Kicinayo ama “Lacag Celis Dhaqaalaha
Kabaya”
TAX REBATE CHECKS - Economic
Stimulus Package or “Recovery Rebates”
ANIGU MA HELI DOONAA JEEGAGGA LACAG CELISKA?
Waxaa
dhici karta in aad maqashay waxa ku saabsan jeegagga lacag celis ama kabid
dhaqaale oo ay kuu soo diri doonto dawladda
fadaraalka sanadkaan. Warqadda ay warbixinta ku qorantahay akhriso si aad ku
ogaatid haddii jeeg laguu soo dirayo iyo inta uu jeeggasi yahay.
1. Meeqa ayaa la ii soo celinaya haddii aan
ahay qof shaqaystay 2007?
•
Haddii aad shaqaysay 2007
iyo daqliga ka badanyahay $3,000, waxa aad yeelanaysaa jeeg gaaraya $300.
•
Haddii aad shaqaysay
2007 oo aan laguu soo celinin lacagta
lagaa goostay oo dhan amaba lagugu soo
dallacay canshuur dheeraad ah (tan waxaa la yiraahda deynta canshuurta), marka
waxa aad xaq u yeelanaysaa jeeg gaaraya illa $600 haddii keligaa aad tahay. Ama
ilaa $1,200 haddii aad iyo xaaskaaga/ninkaaga aad wadajir aad wada buuxsataan.
•
Haddi aad shaqaysay 2007 iyo
aad canshuur ugu yaraan $1 aad ku ku bixisay canshuurta fedaraalka IYO daqliga
aad samaysay uu ka badanyahay $8,950 (haddii aad shaqsi ahaan ku buuxsatay) ama
$17,900 (haddi aad wadajir u buuxsateen), markaa waxaa xaq aad u yeelan kartaan
jeeg dhan $300 ama ka badan.
2. Lacagta la iga siiyo Soshal Sekuuritiga
daqli miyaa loo xisaabinayaa?
•
Daqliga kaa soo gala lacagta
SSI ma laha u qalmidda jeegga. Laakiin,
haddii laguu soo diray SSI iyo aad
shaqaysay, waxa dhici karto in aad u qalantid haddii uu daqligaaaga ka badnaa
$3,000 sanadka 2007. Qaybta kore ku xusan eeg.
•
RSDI iyo SSD ama SSDI u
qalmid ayay u haystaan.
•
Haddii lagu siiyay wax ka
badan $3,000 oo ka kooban anfacyada SSA oo wax kale la lammaanaysan (laga reebo
SSI), daqliga la shaqeeystay, hawlgabka laga qaatay tareenka iyo milateriga ee
sanadki hore, waxa aad u yeelanaysaa u qalmid jeegga $300.
3. Waxtarka hawlgabkayga ee milateriga ma
la ii xisaabinayaa?
Iskudarka nooc kasta
ee hawlgabka VA (ay ku jiraan dhaxalka hawlgabka military ee itaal daran),
waxtarka tareenka, waxtarka SSA (laga reebo SSI) iyo daqliga la shaqeystay uu
ka badanyahay $3,000 sanadka 2007, waxa u qalmid u yeelan kartaa jeeg $300.
4. Jeeg lacag ah ma laygu soo celinayaa
caruurtayda?
Haddii aad xaq u
yeelatid in aad u qalantid inta ugu yar ee laysku celinayo (eeg qaybaha 1-3)
iyo aad u xaq u yeelatay iyo aad cunug sheegatay lacagta canshuurta ilmaha ee canshuurtada fedaraalka aad u
xaraysatay 2007, kaddib waxa dhici karta in lagu siiyo illaa $300 oo dheeraad
ah cunuggiiba. Tan waxaa la yiraahda
lacagta baqshiqka ee cunugga.
Si
aad mudnaansho ugu yeelatid, waxa shardi ah in aad:
-
ka yarayd 17 sano jir
Diseembar 31, 2007,
-
tahay qof la sheegtay marka
la xareynaya canshurtaaga fedaraalka 2007,
-
qancinaysid wax caddaymaha
cilaqaadka laiska doonayo.
Haddii waalidka
ilmaha aan korinin loo oggolaado in uu ilmaha sheegto 2007, marka waalidka aan ilmaha korinin waxaa la siinaya
$300 ee dheeraadka ah ee ilmaha.
Cadad looma
samanaynayo ilmaha dheeraadka ah ee aad ku sheegayniid lacagta baqshiiska
bacdama ay qancinaya liistada shurudaha kor ku xusan.
SHURUUDO KALE
Haddii lacagta canshuurtada kaaga soo noqonayso
lagaaga goosto masruufka caruurta ee lagugu leeyahay ama deymo kale, markaasi
waxa dhacaysa in lacag celiskaan lagaaga reebanayo isla arrimahan. Haddii IRS
ay lacag kugu leedahay, marka lacag celiska waxa ay kabaysaa deyntaas.
Adiga iyo xaaskaaga/ninkaaga (haddii aad wax
isla xaraynaysaan) waa in aad labadadiinaba leedihiin lamabar soshal sekuriiti
ah oo sharci ah. Haddii uu canshuurta ka xaraystay ITIN, midkiina lacag celis
ma uu helayo. Ilmaha la sheeganayo oo dhan waxa la doonaya in lahaadaan soshal
sekuriti sax ah si lagu qaato lacag celiska dheeraadka ah.
Qofka xaq u lahaada in ay uu qof kale sheegto
IYO inuu shaqastay lacag ka badan $3, 000 sanadka 2007, MA UU HELI KARO jeegga.
Ilmaha la sheegtay ma ay helayaan jeegga lacag celiska.
XUSUUS: Helista jeeg celiska saamayn kuma yeelanayso xaq u helidda
barnaamijyada samafalka oo ay maalgaliso dawladda fedaraalka. Barnaamijiyadaan
waxaa kamid ah MFIP, gargaarka cuntada, iyo SSI.
Jeegagga lacag celiska ee lagu soo dirayo waxa
ay yaraanayaan marka uu daqliga soo gala canhsuur bixiyaha ay sii badato.
MAXAA LA IGA RABAA IN AAN SAMEEYO SI AAN KU QAATO JEEGGA LACAG
CELISKA?
Si aad ku heshid, waa in canshuurta 2007 aad
xaraysatid. Xitaa haddii aadan haysan canshuur xarayn shardi ah iyo in aad
caadi ahaan aadan canshuurta xaraysanin canshuurta fedaraalka, waa in aad
middatan xaraysaan si aad ku qaadadan lacag celiska. Xitaa haddii uu daqligaaga
ka yimid RSDI ama SSDI, haddii aad doonaysid lacag celiska waxa aad u
baahantahay in aad xaraysid canshuurrta fedaraalka ee 2007.
Haddii aad xaq u yeelatid canshur xaraynta
fedaraalka 2007 iyo haddii aad doonaysid in lagacta kuu soo noqonosaysa laguugu
shubo koontada bangigaaga, markaa lacgta aad ka helaysid jeegga lacag celiska
waxa lagu shubayaa koontadaada bangiga.
MAXAA DHACAYA HADDI XARAYNTA AAN DIB UGA DHACO?
Haddii aad canshuurta xaraysatid waqti dambe
(ka dib mara Abriil 15, 2008), marka waaxa dhacaysa in lacag celiskana uu dib
ugu dhaco. Wax lacag celis ah lama bixinayo wixii ka dib maro Diseembar 31,
2008. Hase yeese haddii ay dhacdo, in aad xaq u yeelatid, waxaa dhici karta in
aad sheegatid lacag celiska marka aad xarasanaysid canshuurta 2008 sanadka
2009. .
FURSADDA LABAAD
Dadka qaarkood waxaa dhici karta in ay fursad
labaad helaan sandaka soo socda. Haddii aadan xaq ugu yeealan in aad heshid
inta ugu badan sanadkan, ama ay ilmo kuu dhashaan 2008, waxa aad xaq u yeelan
kartaa lacag dheeraad ah marka aad xaraynaysid canshuurta 2008 sanadka 2009.
Haddii aad xaq u yelanaysid iyo haddii kaleba waxa ay ku xirnaan doonta daqliga
2008.
Si aad ku heshid goobta diyaarinta canshuurta
lacag la’aan ah ee kuugu dhow, ka wac United Way lambarka 211, gobolka oo
dhan. Haddii aad isticmaalaysid telefoonka mobaylka
wac (651) 291-0211.