Education for Justice FACT SHEET H-29 (Somali) Fall
2009
DEBAAJIGA BADBAADADA AH
SECURITY DEPOSITS
GOORMAAN HELI KARAA
DEBAAJIGAYGA?
Mulkiilaha guriga
waa inuu ku siyaa dhamaan debaajigaaga iyo waliba dulsaar la socda oo qoraal ah
mudo aan ka badnayn 21 casho ee maalintaad guriga aad ka guurtay. Hadii sarta
oo dhan la eedeeyay oo saas la’adligeed looga guuray guriga, oo aysan ahayn gaf
xagaaga ka yimid, waa inuu mulkiiluhu kuu soo diraa lacagtaada debaajiga ah 5
casho gudaheed. Hubso in uu mulkiiluhu haysto cinwaan kaaga cusub.
MAXAA DULSAAR II AH EE AAN HELI
KARAA (INTEREST)?
1% sanadkiiba.
Aan niraahno waxaad soo dagtay Bisha 8 (August) 1, 2008. Waxaadna ka guurtay Bisha 4 (April) 30, 2009.
Debaaji gaaguna wuxuu ahaa $900.00. Taa macnaheedu waa in aad fiiriso 1%
dulsaar ee 9 bilood. Marka hore fiiri dulsaarka sanad, ka dib qaybi si aad u
hesho dulasaarka bil kasta.
|
$900.00 |
|
|
x .01 |
(1% = .01) |
|
$ 9.00 |
Ayaa ah
dulsaarka mudo sanad ah oo ah 1%. |
Si aad u hesho dulsaarka bil kasta waa inaad u
qaybisaa lacagta 12ka bilood ee sanadka.
$ 9.00 qaybi 12
(bilood) = $ .75 (75 sentiyo) Tanaa ah dulsaarka sanad kasta ee 1%.
Bisha 8 (August)
2008, ilaa iyo Bisha 4 (April) 2009 waa 9 bilood, marka ku dhufo dulsaarka bil
kasta 9
|
$ .75 |
Dulsaar |
|
x 9 |
Tirada Bilaha |
|
$6.75 |
Ayaa ah int
dulsaarka ee la socota debaajigaaga |
Marka, $900.00
debaaji ah iyo dulsaar $6.75 marka la isku daro waa $906.75, micnaheedu waa in
uu mulkiiluhu kuu soo celiya intaa.
Hadii aad ku
noolayd guriga ka hor Bisha 8 (August) 1, 2003 way ka duwantahay. Ka hor Bisha
8 (August) 2003, dulsaarka debaajigu wuxuu ahaa 3%. Marka waa inaad si kale u
fiirisaa wixii ka horeeyay Bisha 8 (August) 2003, ee bil kasta. Raac
tusaalayaasha kor ku xusan lakiinse kudhufo $900.00 qiimaha 3% 00 ah .03.
Markaana raac tusaalayaasha kale eek or ku xusan. Waxaad u baahnaanaysaa inaad
isku tarto labada dulkasaar bilaha 1% iyo kan bilaha 3% markaa wixii ka soo
baxa ayaa ah waxaad helayso.
GOORTA UU MULKIILAHA GURIGA
(LANDLOARD) QAADAN KARO DEBAAJIGA?
Mulkiilaha waxaa
u banaan inuu la haro debaaji in ale inta loo baahdo sida;
Milkiilahaaga
waxa kaliya oo uu ceshan karaa qiimaha alaabadan, ee maaha in uu reebto
debaajiga oo dhan haddii ay wax ka hareen.
MAXAA LOO YAQAAN BAA’BAA’, IYO
JEEXA CAADIGA AH (ORDINARY WEAR AND TEAR)?
Baa’baa’ iyo
jeexa caadiga ah waxaa loo yaqaan sida rooga gabooba, rinjiga soo fuqa iyo
qalabka jaba waayo waa duug. Ma’aha inaad bixisaa kharashkan oo kale.
MAXAA DHACA HADII MULKIILUHU SOO
CELIN WAADO DEBAAJIGA?
Ka biloow qoraal
aad u qorto mulkiilaha. Hubso inaad u qorto ciwaanka aad rabto in debaajiga
lagugu soo diro. Faahfaahin ku samee sababta aad ugu qalanto debaaji. La har
koobi qoraalka.
HALKEEN UGA DACWOODAA
DEBAAJIGAYGA?
MAXAAN U DACWOODAA EE DHIBAATO
KHARASH?
·
Waxaad
u dacwoon kartaa in kirooyin hore laguu soo cesho hadii u gurigu lahaa dhibaato
jabinaysa qaynuunka kiraynta guryaha.
·
Codso
debaajigaaga, dulsaar kharash, kharashka kaaga baxay codsiga dacwada ee
maxkamada.
·
Hadii
uu mulkiilaha ama kireeyaha guriga mudo 21 casho ah u kuugu siin waayo, ama 5
casho gudahooda hadii guriga la xidhay, sharcigu wuxuu ogolyahay inuu bixiyo
kharash u dhigma, kana waad ku leedahay.
·
Hadii
uu muujiyo mulkiiluhu niyad xumo (Bad Faith), waxaad heli kartaa kharash dhan
$200. oo loo yaqaan (Punitive Damages). (Bad Faith) macnaheedu waa iyaga oo
ulakac u haystay debaajiga. Hadii uu mulkiiluhu kuu soo diri waayo warqad mudo
dhan 21 casho, maxkamadu waxay u qaadanaysaa in ay tahay (Bad Faith), in uu
mulkiiluhu cadeeyo inysan ahayn moyaane oo loogu magacdaro (Good Faith).
MAXAA LOO YAQAANAA (COUNTER
CLAIM)?
Mulkiiluhu
(Lanloard) wuxuu asna buuxin karaa dacwo loo yaqaan (counter claim), oo uu asna
adiga kugu dacweenayo. Mulkiiluhu wuxuu oran yacni adaa lacag lagugu leeyahay.
Tusaale ahaan waxay/wuxuu oran karaa yacni waxaad u gaysatay guriga dhibaato
burbur u gaysatay oo kharash keedu dhanyahay $1,000., sidaas la’adligeed waxaa
ku baxay debaajigaagii oo kaliaya bixisay $800. Maxkamdu waxay dhagaysanaysaa
dacwada mulkiilaha isla marka taadana la dhagaysanayo.
SIDEE BAAN ISUGU DIYAARIYAA
MAXKAMADA?
MAXAA LA YIDHAAHDAA HESHIISKA
LOO YAQAAN (SETTLEMENT)?
Heshiiskani waxaa
weeye heshiis adiga iyo guryanta dhexmara si aad u joojisaan dacwada maxkamada.
Heshiiskani inta badan aad buu u faaiido leeyahay. Xitaa hadii aad ku
guulaysato maxkamada waxaa la’arkaa inaad in badan sukto lacagataada. Heshiis
isla markiiba kuu suurto galiya inaad lacagtaada hesho waa aqli. Hubso in
heshiis kasta uu qoraal noqdo, la saxiixay, lana taarikheeyay. U qaad
dhagaysiga maxkamadaada, hubsana in ay maxkamadu ansaxiso ama ogolaato.
MAXAAN SAMEEYAA MARKA XIGTA EE
AAN MEEL KIRAYSTO?
MAXAA DHICI HADII GURIGA LA
IIBIYO?
Hadii mulkiilaha
uu guriga iibiyo oo aad wali dagan tahay guriga waxaad ku leedahay inay ama
inuu kuu so celiya debaaji ama laguu sheego in dhamaanteed ama qayb ka mid ah
lagu wareejinayo dadka cusub ee iibsanaya guriga. Waxay ka goyn karaan ama ka
jari karaan kharashyada aadan bixin sida qayb kira ah ama wax guriga laga
kharibay. Hadii warqad tiraahdo ama qoraal laguu soo diro oranaya qayb
debaajigaaga kamid ah ayaa waxaa gosanaya mulkiilahaaga, waxaad fursad u
leedahay inaad diido mudo 20 casho ah gudahooda. Hadii uu mulkiilihii hore
bixin waayo lacagtaada, waxaad ku dacwayn kartaa maxkamada kharashada iyo
dacwooyinka yar yar ee loo yaqaan (conciliation court). Hadii uu mulkiilihii
hore kuu soo celin waayo debaajigaaga, mulkiilaha cusub wuxuu ku waydiin karaa
debaaji horleh oo cusub.
|
Minneapolis Legal Aid –
CLE MN Legal Services Coalition 2324 University Avenue, Suite 101B St. Paul, MN 55114 |
Ha isticmaalin
warbixintan haddii ay ka soo wareegato in ka badan hal sano. Warqad noo dir oo na soo
weydiiso wixii cusub, liiska warbixinta, ama waxyaabaha kale ee macluumaadkan
u qalmi kara. Warbixintan ma aha jawaabo lagaa siinayo dhibaatooyinka aad
xagga sharciga kala kulmeyso. Qareen ama abukaate ayaad talo u raadsan
kartaa. |