Education for Justice                     FACT SHEET H-29   (Somali)                            Fall 2009

 

DEBAAJIGA BADBAADADA AH

SECURITY DEPOSITS

 

 

 

GOORMAAN HELI KARAA DEBAAJIGAYGA?

Mulkiilaha guriga waa inuu ku siyaa dhamaan debaajigaaga iyo waliba dulsaar la socda oo qoraal ah mudo aan ka badnayn 21 casho ee maalintaad guriga aad ka guurtay. Hadii sarta oo dhan la eedeeyay oo saas la’adligeed looga guuray guriga, oo aysan ahayn gaf xagaaga ka yimid, waa inuu mulkiiluhu kuu soo diraa lacagtaada debaajiga ah 5 casho gudaheed. Hubso in uu mulkiiluhu haysto cinwaan kaaga cusub.

 

 

MAXAA DULSAAR II AH EE AAN HELI KARAA (INTEREST)?

1% sanadkiiba. Aan niraahno waxaad soo dagtay Bisha 8 (August) 1, 2008.  Waxaadna ka guurtay Bisha 4 (April) 30, 2009. Debaaji gaaguna wuxuu ahaa $900.00. Taa macnaheedu waa in aad fiiriso 1% dulsaar ee 9 bilood. Marka hore fiiri dulsaarka sanad, ka dib qaybi si aad u hesho dulasaarka bil kasta.

 

 

$900.00

 

x      .01

(1% = .01)

   $ 9.00

Ayaa ah dulsaarka mudo sanad ah oo ah 1%.

 

 

Si  aad u hesho dulsaarka bil kasta waa inaad u qaybisaa lacagta 12ka bilood ee sanadka.

 

$ 9.00 qaybi 12 (bilood) = $ .75 (75 sentiyo) Tanaa ah dulsaarka sanad kasta ee 1%.

 

Bisha 8 (August) 2008, ilaa iyo Bisha 4 (April) 2009 waa 9 bilood, marka ku dhufo dulsaarka bil kasta 9

 

$  .75

Dulsaar

x    9

Tirada Bilaha

$6.75

Ayaa ah int dulsaarka ee la socota debaajigaaga

 

Marka, $900.00 debaaji ah iyo dulsaar $6.75 marka la isku daro waa $906.75, micnaheedu waa in uu mulkiiluhu kuu soo celiya intaa.

 

Hadii aad ku noolayd guriga ka hor Bisha 8 (August) 1, 2003 way ka duwantahay. Ka hor Bisha 8 (August) 2003, dulsaarka debaajigu wuxuu ahaa 3%. Marka waa inaad si kale u fiirisaa wixii ka horeeyay Bisha 8 (August) 2003, ee bil kasta. Raac tusaalayaasha kor ku xusan lakiinse kudhufo $900.00 qiimaha 3% 00 ah .03. Markaana raac tusaalayaasha kale eek or ku xusan. Waxaad u baahnaanaysaa inaad isku tarto labada dulkasaar bilaha 1% iyo kan bilaha 3% markaa wixii ka soo baxa ayaa ah waxaad helayso.

 

 

GOORTA UU MULKIILAHA GURIGA (LANDLOARD) QAADAN KARO DEBAAJIGA?

Mulkiilaha waxaa u banaan inuu la haro debaaji in ale inta loo baahdo sida;

  • Kiro aan la bixinin, ama kharash aad ogolaatay inaad bixiso sida samayn fure aad lumisay.  Laakiin sharciga Minnesota guudahaan kuuma ogggola in lacagta debaajiga in laga dhigo ijaarka bisha ugu dambeeysa.

 

  • Lacag loo baahday waayo adaa dhaawac u gaystay guriga.

 

  • Lacag ama kharash ka lumay mulkiilaha waayo ma’aadan bixinin digniin qoraal ah si aad u guurto. Sababtaan oo kale mulkiiluhu wuxuu qaadan karaa debaajiga oo dhan. Hadii uu ama ay si dagdag ah ku kireeyay guriga mulkiiluhu, taas waad kaga doodi kartaa yacni in uusan mulkiiluhu lumen lacag.

 

Milkiilahaaga waxa kaliya oo uu ceshan karaa qiimaha alaabadan, ee maaha in uu reebto debaajiga oo dhan haddii ay wax ka hareen.

 

 

MAXAA LOO YAQAAN BAA’BAA’, IYO JEEXA CAADIGA AH  (ORDINARY WEAR AND TEAR)?

Baa’baa’ iyo jeexa caadiga ah waxaa loo yaqaan sida rooga gabooba, rinjiga soo fuqa iyo qalabka jaba waayo waa duug. Ma’aha inaad bixisaa kharashkan oo kale.

 

 

MAXAA DHACA HADII MULKIILUHU SOO CELIN WAADO DEBAAJIGA?

Ka biloow qoraal aad u qorto mulkiilaha. Hubso inaad u qorto ciwaanka aad rabto in debaajiga lagugu soo diro. Faahfaahin ku samee sababta aad ugu qalanto debaaji. La har koobi qoraalka.

 

 

HALKEEN UGA DACWOODAA DEBAAJIGAYGA?

  • Ku dacwee maxkamada loo yaqaan (Conciliation Court). Degmo kasta waxay leedahay mid, waxayna qaabishaa dacwooyinka kharashka gaara ilaa iyo $7, 500. Ma’ u baahnid qareen.

 

  • Tag maxkamada meesha uu ku yaalo guriga kirada ama meesha uu mulkiiluhu ku nool yahay. Buuxi arji cabasho kuna qor magaca mulkiilaha, cinwaanka, kharashka iyo dhibaatada aad u dacwoonayso.  Faahfaahin gaaban ku samee dacwadaada.

 

  • Waxaa lagaa qaadi guno yar. Hadii uu dhaqaalahaagu yaryahay ma’aha inaad bixiso, waxaad codsataa waxa loo yaqaan (IFP). Buuxi arjiga IFP.

 

 

MAXAAN U DACWOODAA EE DHIBAATO KHARASH?

·        Waxaad u dacwoon kartaa in kirooyin hore laguu soo cesho hadii u gurigu lahaa dhibaato jabinaysa qaynuunka kiraynta guryaha.

 

·        Codso debaajigaaga, dulsaar kharash, kharashka kaaga baxay codsiga dacwada ee maxkamada.

 

·        Hadii uu mulkiilaha ama kireeyaha guriga mudo 21 casho ah u kuugu siin waayo, ama 5 casho gudahooda hadii guriga la xidhay, sharcigu wuxuu ogolyahay inuu bixiyo kharash u dhigma, kana waad ku leedahay.

 

 

·        Hadii uu muujiyo mulkiiluhu niyad xumo (Bad Faith), waxaad heli kartaa kharash dhan $200. oo loo yaqaan (Punitive Damages). (Bad Faith) macnaheedu waa iyaga oo ulakac u haystay debaajiga. Hadii uu mulkiiluhu kuu soo diri waayo warqad mudo dhan 21 casho, maxkamadu waxay u qaadanaysaa in ay tahay (Bad Faith), in uu mulkiiluhu cadeeyo inysan ahayn moyaane oo loogu magacdaro (Good Faith).

 

 

MAXAA LOO YAQAANAA (COUNTER CLAIM)?

Mulkiiluhu (Lanloard) wuxuu asna buuxin karaa dacwo loo yaqaan (counter claim), oo uu asna adiga kugu dacweenayo. Mulkiiluhu wuxuu oran yacni adaa lacag lagugu leeyahay. Tusaale ahaan waxay/wuxuu oran karaa yacni waxaad u gaysatay guriga dhibaato burbur u gaysatay oo kharash keedu dhanyahay $1,000., sidaas la’adligeed waxaa ku baxay debaajigaagii oo kaliaya bixisay $800. Maxkamdu waxay dhagaysanaysaa dacwada mulkiilaha isla marka taadana la dhagaysanayo.

 

 

SIDEE BAAN ISUGU DIYAARIYAA MAXKAMADA?

  • Isku duwo ama keen cadaymahaaga. Hadii aad haysato dokumentiyo qoraal ah, sida heshiiska kirada, rasiidhyo kirada, ama warqado aad u qortay maamulka guriyanta, uga samee maxkamada koobiyo.

 

  • Hadii aad haysato ama aad ka qaaday sawiro guriga markaad ka guurtay, keen sawiradaa maxkamada.

 

  • Soo kaxee markhaatiyi, dad arkay markaad soo dagtay guriga iyo markaad ka gurtay. Waxay ku markhaati kaci karaan inaad guriga si fiican u daryeeshay.

 

 

MAXAA LA YIDHAAHDAA HESHIISKA LOO YAQAAN (SETTLEMENT)?

Heshiiskani waxaa weeye heshiis adiga iyo guryanta dhexmara si aad u joojisaan dacwada maxkamada. Heshiiskani inta badan aad buu u faaiido leeyahay. Xitaa hadii aad ku guulaysato maxkamada waxaa la’arkaa inaad in badan sukto lacagataada. Heshiis isla markiiba kuu suurto galiya inaad lacagtaada hesho waa aqli. Hubso in heshiis kasta uu qoraal noqdo, la saxiixay, lana taarikheeyay. U qaad dhagaysiga maxkamadaada, hubsana in ay maxkamadu ansaxiso ama ogolaato.

 

 

MAXAAN SAMEEYAA MARKA XIGTA EE AAN MEEL KIRAYSTO?

  • Inta aadan guriga dagin ama aadan soo galin, la samee mulkiilaha ama maamulka guriga (landloard) kormeer oo wada fiiriya guriga. Samee waxa loo yaqaan (inspection). Qor meelaha wasakhda ah iyo meelaha u baahan in la hagaajiyo. Hubso in uu mulkiilaha guriga ama maamulka guriga ay arkaan ayna saxiixaan. Ka codso in ay dayactirka dhamaystiraan inta aadan guriga soo galin.

 

  • Bixi oo gudbi cadayn ama digniin sax ah inta aadan guriga ka bixin.

 

  • Marka aad guuraysid samee (inspection) sidii markii aad soo dagaysay. Ka saxiix mulkiilaha. Taasi waxay cadayn kuugu samaynaysaa inaad guriga oo nadiif ah ka baxday.

 

 

  • Hubso inaad furayaasha oo dhan celisay, rasiidhna soo qaado, guriga oo nadhiif ah ka bax siina mulkiilaha meel ama cinwaan uu wax kuugu soo diro. Sawiro ka qaad sida nadiifta ah ee aad guriga uga baxday, saxiib ama markhaati u yeel kula fiiriya.

 

 

MAXAA DHICI HADII GURIGA LA IIBIYO?

Hadii mulkiilaha uu guriga iibiyo oo aad wali dagan tahay guriga waxaad ku leedahay inay ama inuu kuu so celiya debaaji ama laguu sheego in dhamaanteed ama qayb ka mid ah lagu wareejinayo dadka cusub ee iibsanaya guriga. Waxay ka goyn karaan ama ka jari karaan kharashyada aadan bixin sida qayb kira ah ama wax guriga laga kharibay. Hadii warqad tiraahdo ama qoraal laguu soo diro oranaya qayb debaajigaaga kamid ah ayaa waxaa gosanaya mulkiilahaaga, waxaad fursad u leedahay inaad diido mudo 20 casho ah gudahooda. Hadii uu mulkiilihii hore bixin waayo lacagtaada, waxaad ku dacwayn kartaa maxkamada kharashada iyo dacwooyinka yar yar ee loo yaqaan (conciliation court). Hadii uu mulkiilihii hore kuu soo celin waayo debaajigaaga, mulkiilaha cusub wuxuu ku waydiin karaa debaaji horleh oo cusub.

Minneapolis Legal Aid – CLE

MN Legal Services Coalition

2324 University Avenue, Suite 101B

St. Paul, MN  55114

Ha isticmaalin warbixintan haddii ay ka soo wareegato in ka badan hal sano.

Warqad noo dir oo na soo weydiiso wixii cusub, liiska warbixinta, ama waxyaabaha kale ee macluumaadkan u qalmi kara. Warbixintan ma aha jawaabo lagaa siinayo dhibaatooyinka aad xagga sharciga kala kulmeyso. Qareen ama abukaate ayaad talo u raadsan kartaa.