Education for Justice FACT SHEET C-10 (Somali) Fall 2009
DAMINTA AMA GOYNTA/JARIDA KORONTADA
HEAT
SHUT-OFFS
Hadii aadan iska
bixinin kharashka korontada iyo gaaska ee loo yaqaan (utility bills), addeega
waa lagaa xidhi ama lagaa goyn. Tani way dhici kartaa xitaa xiliga qaboobaha.
Lakiin waxaa laga yaabaa in inta u dhaxaysa Bish 10 (October) 15, ilaa iyo
Bisha 4 (April) 15 in lagaa difaaci karo. Qoraalkani wuxuu ku saabsanyahay
korontada iyo gaaska hadii looga baahto kulayl. Shuruucdu waxay saameeyaan
xitaa guryaha shaqsiyaadku khaas u leeyihiin. Shuruucdu waa isku mid ee kuwa
guriyanta dowladaha hoose ay leeyihiin. Shuruucdu ma khuseeyaan kuwa saliida,
dhuxusha, iyo qoryaha.
HOR U QORSHAYSO KHARASHKOODA
Si aad uga
hortagto in lagaa jaro la soco kharashka lagaaga baahanyahay inaad bixiso. Inta
aadan gali guriga, ka hel mulkiilaha iyo kii ka horaeeyayba inta kharash lagu
leeyahay guriga ee koronto iyo gaas. Ka bacdi isku day inaad kharashkaaga ka
bixiso. Kharashkaagu aad buu u badan xiliga qaboobaha. Haayada korontada iyo
gaasku waxay ku siin qorshe aad ku bixiso. Qorshe kharash bixin (Budget Plan)
waxaad bixinaysaa isku kharash bilkasta ee sanadka.
CAAWIMAAD RAADSO
Waxaa laga yaabaa
inaad hesho gargaarka (tamarta) korontada iyo gaaska. Waxay ka cawiyaan xaalada
degdega ah ee bixinta biilka ama kharashaka caadiga ah ee korontada iyo gaas si
looga hortago in la jaro. Wac, waxa loo yaqaan (First Call for Help) ee gobolka
oo dhan ee lambarkoodu yahay 211 (ama (651) 291-0211) si aad u ogaato cawimaada
korontada iyo gaaska. Wac meesha kuugu dhow. Waxaa laga yaaba inaad cawimaad ka
hesho (MFIP) ka yacni caydha, hadii aad caruur leedahay, (MSA) hadii aad SSI-da
qaadato. Wac ama laxiriir xafiiska degmada ee addeega bulshada. Hadii uu biil
kaagu ama kharashkaagu badanyahay waayo
mulkiiluhu (landlord), ma hagaajinayo wax ka khariban guriga, hubso inuu
hagaajiyo waxa khariban. Waxa aad eegtaa baalkayaga xaqiiqada ee, Sida Loo Waydiisto Milkiilaha Guriga Inuu
Dayactiro Guriga.
HADII UU BIILKAAGU/KHARASH KAAGU
YAHAY MID QALDAN
Hadii aad u malaynayso in ay haayadu khalad
samaysay, si dhakhsi ah ugu sheeg. Waa in ay haayadu;
Kaa’ma xidhi karaan ilaa iyo inta ay ka baadhayaan
ayna kaaga sheegayaan waxa ay soo saareen oo qoraal ah. Hadii aadan wali ku qanacsanayn, wac
xafiiska gargaarka sharciga (legal aid) ee Gudiga Xooga Korontada iyo Gaaska (Public
Utilities Comission) oo laga helo 1-(800) 657-3782 ama Minnesota Attorney
General (651) 296-3353 ama 1(800) 657-3787.
XIDHITAANKA TAMARTA XILIGA
QABOOBAHA
Hadii aadan
awoodin inaad bixiso kharashkaaga korontada iyo gaaska xiliga qaboonaha ee u
dhaxaysa Bish 10 (October) 15, iyo Bisha 4 (April) 15, hayaadu kaama xidhi
karto ama goyn karto hadii aad sameyso qorshe aad biilka ku bixiso. Marka aad
la hadasho haayada korontada iyo gaaska, samee qoraalo aad ku muujinayso qofkii
aad la hadashay iyo waxa ay ku yidhaahdeen. U qor warqad sheegaysa waxa uu
qorshuhu yahay. Koobi ka samayso.
Laga bilaabo Agoosto 2008, haddii aadan haysan meel aad seexato ama dhici
karto in aad weydo meel aad seexato xilliga qaboobaha, shirkada tamarta waa in
ay samayso dadaal macquula si ay dib ugu soo celiso adeegayda muddo 24 saacaado
kaddib marka ay helaan qorshaha lacag bixiskaaga.
MA’ AHA IN WAX WALBA AAD BIXISAY AMA LAGAA BIXIYAY
ILAA IYO BISHA 10 (OOCTOBER) 15, SI AAD U HESHO BADBAADADA KA XIDHIDA TAMARTA
AMA KORONTADA IYO GAASKA
Hadii aad dagan
tahay guri guriyanta, sharcigani wuxuu kuu shaqaynayaa hadii jarida korontada
iyo gaasku saamayn ku yeelanayaan kulayka ama tamarta guriga (heat). Hadii aad
leedahay hayadaha korontada ee kale sida (Xcel Energy) ama (Centerpoint Energy),
Sharcigani wu khuseeyaa hadii aysan taabanaynin korontadaada.
Hayad walba ee Tamarta, waxaad leedahay laba
fursadood:
1. Qorshaha bixinta kharashka ama biilka.
Waxaad la
qorshayn kartaa haayada korontada iyo gaaska dhamaan xiliga qaboobaha inaad bixiso
bil kasta lacag cadadan. Lacagtani waxay ka yaraan kartaa bilka oo
dhamaystiran. Lacagtu waa inay noqotaa mid suurta gal ku ah dhaqaalahaaga.
Lagaa goyn mayo hadii aad bixiso lacagta qorshaha marwalba. Wac haayada hadii
aadan bixin karin kharashka qorshaha xilikasta oo ay taasi timaado.
2. Qorshaha.
Marna lagaa jari
mayo mar walba oo aad bixiso 10% ee dhaqaalahaaga oo aad ku bixiso korontada
iyo gaaska. Hadii aad dhamaan bixiso kharashka lagaa jari mayo. Gargaarka
koronda uma qalmo dakhli dhaqaale. Hadii aad korontada ka hesho haayad gaaskana
haayad kale 10% waxaad u qaybinaysaa labada haayadood.
WAXA LOO YAQAAN ADDEEGA XADIDAN
Haayada korontada
iyo gaasku waxay leeyihiin waxa loo yaqaan (service limiters) oo macnaheedu
tahay in ay xadidaan korontada iyo gaaska aad rabto.Xiliyada qaboobaha
haayaduhu ma samayn karaan mid nocaaas ah. Waa daruuri ama laasim inay raacaan
qaynuunka.
Hadii aysan
qaynuunka raacin sharcigii bay jabiyeen. Wac xafiiskaaga (legal aid) ee
khuseeya korontada iyo gaaska. Waa (Public Utilities Commision (PUC) oo laga
helo 1-(800) 657-3782.
RACFAANADA (APPEALS)
Hadii aysan
haayada (utilities) samaynin qorshe lacag bixin, waxaad u caban kartaa (PUC)
da. Si dhakhsi ah saas u samee, wakhtigu aad buu u ordayaa. Wac xafiiska (legal
aid) ee kuugu dhow.
Si aad racfaan u
qaadato:
HADII UU DHAQAALAHAAGU IS BADALO
ADOO QORSHE KU JIRA
Hadii wax dhacaan
oo dhaqaalahaagu is badalo oo aadan lacagta heli karin si aad u bixiso
kharashka ee qorshahaaga lacag bixinta, si dhakhsi ah ula xiriir haayada si aad
u badasho qorshaha lacag bixinta. Hadii aysan haayadu ogolaan in qorshaha la
badalo, si dagdag ah u wac gudiga (PUC) si aad uga hor tagto jarid.
Waxaad ka heli
kartaa Gudiga (Public Utilities Commision) (PUC);
Minnesota PUC
121 7th Place East, Suite 350
St. Paul, MN
55101
1-(800) 657-3782
|
Minneapolis Legal Aid – CLE MN
Legal Services Coalition 2324
University Avenue, Suite 101B St. Paul, MN
55114 |
Ha isticmaalin warbixintan
haddii ay ka soo wareegato in ka badan hal sano. Warqad noo dir oo na soo weydiiso wixii cusub, liiska
warbixinta, ama waxyaabaha kale ee macluumaadkan u qalmi kara. Warbixintan ma
aha jawaabo lagaa siinayo dhibaatooyinka aad xagga sharciga kala kulmeyso.
Qareen ama abukaate ayaad talo u raadsan kartaa. |