Education for Justice FACT SHEET H-6 (Somali) Fall 2009
Midab kala sooca Guryaha
Housing Discrimination
Waa maxay qeybaha midab takoorka ee ka soo horjeeda
sharciga?
·
Qolo
·
Jinsi
(lab/dhadig)
·
Midab
·
Diin
·
Xaaladda qooyska (uur ama in aad
caruur badan leedahay)
·
Kaalmada dadweynaha (MFIP, GA, SSI,
iwm)
·
Kala doorbidasho jinsi
·
Xaalad
guur (aan wali guursan, garoob iwm)
·
Curyaanimo
·
Qoowmiyad
ahaan
·
Da'
(waxay qusaysaa
·
Caqiido
Waa maxay tusaalooyinka caadiga ee midab takoorka?
Arjiga oo laguu diido
·
Markii aad
telefoonka wacdo, oo lagu yiraahdo guriga waa uu banaan yahay, laakiin markuu
mulkiilahu arko midabkaaga (oo uu yiraahdo) "waa hore ayaa la
kiraystay".
·
Mulkiiluhu
markuu yiraahdo ka kirayn mayno "MFIP" ama "(qof) Weelfeer qaata@
·
Haddii lagugu
diido curyaan ayaad tahay, curyaanimadu kaama horjoogsan karto in laga kireeyo
(guriga).
·
Mulkiiluhu
haddii uu yiraahdo caruur ma ogolin, guriga waxaa degan oo kaliya dad waaweyn
(senior) ama qofka guriga leh ayaa degan.
·
Maamulaha guriga
aad ijaarato dadka siyaabo kala duwan ayuu ula dhaqmaan. Tusaale, dadka qaata
cayrta waxaa laga rabaa dakhli 3 jibaar ka badan
·
Arjigaaga marna
lama socodsiinayo.
U kala eexasho
·
qofka guriga
daryeela (caretaker) in uu marka hore u dayactiro guriga qofka cad inta uu san
kaalmeyn qofka midabka leh marka hore.
·
Maamulaha
(dhismaha) wuxuu si xun u dhibaa qofka midabka leh (oo kaliya) haddii uu ku xad
gudbo heshiiskii kirada.
·
Milkiilaha waxba
·
Waxaa jira
xeerar qaasa oo caruurta ay leeyihiin.
·
Maamulaha guriga
waxa kaliya ee uu ku tusayaa guryo la ijaarto ee xaafadaha qaarkood ku yaalla.
Xad gudub (Harassment)
·
Haddii qofka
guriga daryeelo (caretaker) kugu qasbo in aad balamiso (xodxodasha ahaan),
gurigaagana uu usoo galo (arintaa awgeed).
·
Waardiyaha dhismaha uu martidaada ula dhaqmo si ka
duwan kuwa kale aan la jinsiga aheyn.
·
Haddii dariska ay isku dayaan in ay xaafada kaa eryaan
(saaraan) ayaga oo isticmaalaya ereyo midab takoor ah ama cabsi gelin ah.
Maxaan ka sameeyn
karaa?
Haddii laguu diido (in lagaa kireeyo)
guri, aanad dareento in laguugu diidayo midab takoor (owgii), isla markiiba u
qaylo dhaanso kaalmo. Waxaad kale oo waydiisan kartaa qof kale oo aad taqaan in
uu waco mulkiilaha (landlord) oo uu waydiisto guri, markaa eeg sida uu ula
dhaqmo qofkaa kale. Tusaale, haddii aad dareento takoor ku salaysan midab, eeg
in qof cadaan ah sidaada si ka duwan in loola dhaqmay.
Haddii meeshaad degan tahay si xun
lagugula dhaqmo ama lagugu xad gudbo, waa in aad warqad (cabasho ah) u qortaa
mulkiilaha. Nuqulna (koobina) ka reebo. Waa in aad heysataa wax cadeynaya midab
takoorkaa (in uu jiro). Isku day in aad
marqaati arkayey (waxaa lagugu sameynayo) aad haysataa. Mar kasta oo wax
dhacaan waa in aad qortaa. Haddii takoorka uu san joogsan, ama uu sii fogaado,
(cid) ku kaalmeeyso
Dacwo xareyn iyo hay'ada loo dacwoodo
Waxaad bilaabi kartaa kiis maxkamadeed si aad u
joojiso takoorka ama (magdhaw) lacageed u hesho waxyeeladii ( ku soo gaaray).
Haddii aad wax ka qabasho isla markiiba ah u baahan tahay in laga qabto gurigii
laguu diiday, ama in aad joojiso xadgudub, ama aad ka hor tagto si aan guriga
lagaaga saarin waa in aad kiiska maxkamadda geyso ayaa ah sida ugu haboon (oo
aad sameyn karto). Haddii uu dhaqaalahaaga hooseeyo, waxaad wacdaa xafiiska
sharciga dadka ka kaalmeeyo (Legal Aid) ee xaafadaada ku yaal (ama kuugu dhow).
Haddii aad
degan tahay magaalooyinka mataanaha ah (
Waxaad kale oo u dacwoon kartaa
wakaaladaha dowladda ee sharciga takoorka guryaha fuliya. Waxay kuu baarayaan
kiiskaaga, ayada oon wax kharash ah kaaga bixin. Haddii ay helaan wax takoorid
ah (in ay jirto) waxay isku dayayaan in la xaliyo. Haddii xalka lagaari waayo,
doowladda ayaa waxay xaraynaysaa kiis (dacwo ah) oo lid ku ah qofkii (midab)
takoorkaa sameeyey. Wakaaladaha doowladda waxaa kamid ah:
Tel. (1-800) 424-8590 Tel.
(651) 296-5663
TDD: (1800) 543-8294 TDD: (651) 296-1283
Waxaad
sameysaba, dhaqsa u samee. Noocyo badan, ayaad u baahan tahay in aad u xerayso
dacwadaada ama kiiskaaga hal ama labo sano gudahood.
|
Minneapolis Legal Aid – CLE MN Legal Services Coalition 2324 University Avenue, Suite 101B St. Paul, MN
55114 |
Ha isticmaalin
warqadaan xogta haddii ay ka weyn tahay hal sanno. Noo soo qor marka aad dooneysid waraaqaha casriyeysan,
liiska warqadda xogta, ama qaababka kale.
Waraaqaha Xogta ma u aha jawaab dhameystiran
arrimaha sharcigai. U tak qareen si
aad u heshid la-talin |